shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir labo Geesood ah oo Isimo ka socday Buuhoodle iyo Burco Maanta ku yeesheen magaalada Xadhadhanka (Maxaase shirkaasi looga hadlay)

(Xadhdhanka,  August 06,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Xadhadhan oo dhinaca Waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Buuhoodle 35KM ayaa maanta galinkii hore waxa ka dhacay shir balaadhan oo labo Geesood ah isla markaana ay ku yeesheen Isimada ka soo kicitimay magaalada Buro iyo Isimada ka tagay magaalada Buuhoodle oo ay Wehelinayeen Cuqaal Culumo iyo Waxgarad kale oo deegaanka Buuhoodle ah.
 
 
Waftiga ka socday magaalada Burco oo ahaa Mid balaadhan ayaa waxaa hogaaminayey Suldaan Maxamuud Guuleed iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo kamid ah Salaadiinta ka soo jeeda Bariga Burco oo safarkaasina ay kula socdeen Qaarkamid ah Waxgaradka ka soo jeeda magaalada Burco.
 
 
Shirkaasina magaalada Buuhoodle Waxaa dhinaca Isimada hogaaminayey Garaad C/laahi Garaad Soofe waxana ka loo la socday Isimada kala ah Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale aadan iyo Culumada Buuhoodle iyo Waxgarad kale.
 
Ujeeda shirkaasi Maanta ka dhacay magaalada Xadhandhanka ayaa looga hadlayey Guud ahaan Xaalada Guud ee Nabadgaliyada deegaanka iyo Sidii Ciidamada Maamulka Somaliland ee jooga deegaanada SSC uga bixi lahaayeen Qaab nabad galiyo, isla markaana Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ugala hadli lahaayeen Inuu Ciidamadiisa kala baxo guud ahaan deegaanada SSC.
 
 
Shirkaasi ayaa soo Xidhmay galabta goor gaaban Waxana Magaalada Buuhoodle dib ugu soo laabtay Ergadii ka socotay Buuhoodle oo Saxaafada u sheegay inay maalinta barito ah u soo Bandhigayaan Go,aamadii ka soo baxay shirkii ka dhacay Magaalada Xadhadhanka oo siwayn isha loogu hayey Waxyaabaha ka soo Bixidoono.
 
Wararka ku saabsan shirkaasi iyo Waxyaabah ka soo baxay Maalinta Barito ah kala soco Shabakada Wararka ee Ceegaag.com.
 
 
Calidhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com