Waxaad la wada socotaan in dhibaato badan loo gaystay dadka reer Buuhoodle, shacab iyo wax garad, dhibtan oo kaga imanaysay dhinacyo badan oo wajiyo badan loo soo maray sidii loo burburin lahaa midnimada iyo isku duubnidii reer Buuhoodle, arintan waxaa lagu tilmaami karaa dagaal ama duulaan dhaqan iyo deeganba lagu soo qaaday ayna kusoo qadeen dad cadow ah meel kastaba haka yimadeene wado kasta hasoo mareene magac kastana ha siteene hadaba mala odhan karaa reer Buuhoodle waxa laga soo duulay aagag badan iyo jahooyin badan waxa loo maray wadooyin badan oo kala ah siyaasad saxaafad aflagaado iyo ciidan millarty oo hada ugu danbeeyey waxaa jira in reer hawd ogaado inuu jiro cadow gudaha ah iyo mid dibada ah, waxaan kawada dharagsanahay dhibtii loo gaystay dadwaynaha reer Buuhoodle iyo dulaankii ay kusoo qadeen ragii Nugaal iyo Laascaanood dhigay baytal cadalaha ee cadowga gacanta u galiyey xuduntii Umada SSC ee magaalo madaxda gobalka SOOL ee taladii dhulbahante reer Nugaaleedna ceelka dheer ku riday oo markay camal iyo wax ay kala shushubaan wayeen ee Nugaal hadalkeedii go'ay oo nina wax laga waydiin waayey ileen awalba waxay ahaayeen gaadiid celise bay u soo jahaysteen Buuhoodle waxayna soo galeen gudaha Buuhoodle iyagoo wata shaadh cusub oo laga soo toshay Nayroobi kaasoo laga lahaa arimo badan oo kala ah

1 in lagu burburiyo intii yar ee kasii hadhay taladii iyo karamadii Dhulbahante iyadoo toos loogu soo duulay goobtii qudha ee dhulbahante u bad qabtay si loo burburiyo isku duubnida reer Caymeed.

2 in lagu fuliyo siyaasad guracan ee dariska la noqotay guul darada ee Cali khaliif Galaydh oo ku guul daraytay inuu hal mar qoobka soo galiyo hogaaminta Soomaaliya waloo aanba la garanayn waxa uu kusoo kurdhin karo Soomaaliya, waayo horaa loo yidhi tiisaba daryeele tu kale kudara Cali khaliif oo hada dan mooday inuu mar uun helo koox ama urur uu ku qadhaabto magacooda si ay ugu suurto gasho rabitaankiisa ah mar idhaha madaxweyne.

Hadaba arintan waxay wadatay culeyskeeda iyo saxaafadeeda iyo dhaqaalaheeda waxaana loo adeegsaday burburka reer Buuhoodle lacag badan oo laga soo ururshay dad badan oo war maqabto ah oo lagu qalday waxaan xoraynaynaa dhulkii maqnaa (illaahoow niman wax ogayn ha cadaabin) waxana loo samaystayba kooxo wadata durbaano qaylo dheer oo afmiishaariin ah oo shaydaan u sahalay sida beenta loo sheego dadkana loo qalin shobateeyo, horaase loo dhahay ninku dilay hadh kuuma jiido Laascaano ninkii dhiibay ma xoraynayaa wa su'aal u baahan iswaydiin?

Dadku waxay ku arkayeen in badan website yada jidbaale iyo horufadhi wax yaalo ceeb iyo dhag xumo u keeni doona umada Dhulbahante reebina doona cawaaqib xumo in badan laga sheekaydoono

Dhibaato badana u gaystay dadka waliba in badan fashiliyey siro iyo arimo qaas u ah umada oo aan haboonaynba in banaanka loosoo saaro waxaad xasuusataan todobaadyo ka xili reer Buuhoodle uu ku jiray diyaargaraw sidii laysu difaaci lahaa in lagu soo daabacay jidbaale warbixin sheegaysa in Buuhoodle uu wiigan gacanta u gali doono SNM maqaalkaas oo ay cinwaan u ahayd by by Buudoodle iyo ka dambeeyey ee ahaa Nugaal Ugaadhyahan VS baharsame Buuhoodle Cali Geri vs reer Hagar, isla maalmahaa ina Canbaashe oo ah horgal ugu xun horgalada Isaaqa ayaa u yeedhay dhalinyaro ka soo jeeda beesha Axmed Garaad isagoo ku guubiyey in beel kale oo ka mid ah Axmed Garaad qabsanayso magaalada Buuhoodle oo iyagu noqon doonaan ugaadhyahankii Buuhoodle hadaysan hadaba iyagu uga horayn ma odhan karaa jidbaale iyo isticmaashaba waxay la shaqeeyaan ina canbaashe SNM ta.

Waxaanse hada isla hayn kariwayey markii an isbuucan ku arkay websiteada aan magacooda kor ku xusay maqaalo aan aad ula yaabay oo runtii murugo ku beeray calooshayda waxana filayaa inay ila qabeen dad badan oo reer Buuhoodle ah oo dareemayey dhibta haysata deegaanka iyo culayska ku habsaday ee cadaawgu dulfadhiyo, waxaa nasiib daro ku tilmaami karaa in lagu birikinaaso shacabka dhiban hiil daayoo waxaan muuqata in aan wali laga la hadhin kala firdhintii lagu hayey reer Buuhoodle oo khalkhal lagu kala dhexbeerayo ciidanka mujaahidiinta ah ee difaaca gobalka Cayn iyo Aabayaashooda mujaahidiinta ah si cadawgu uga faa iidaysto waxaa iyana wax lala yaabo ah in kooxda mafia yada ah ee sheegata magaca SSC in ay baryahan sheeganayeen ciidanka Buuhoodle inuu yahay kooxdii Nayroobi ma odhankarnaa waa shaydaankii midka bariiska ah ku darsaday reer bariis u bislaanayo ee fiidkii yidhi cashadii ha laysiiyo waxaa su’aal ah ma looga bartay kooxdaa wax iska celin iyo geesino marka laga reebo mujaahid Kayse Cabdi Yusuf.

Waxaa tacsi looga dhigay madax dhaqameedkii geeridu ku timid oo lagu leeyahay hebel baa ls hadlay Siilaanyo oo xidhiidh la sameeyey tasoo fajaciso ku noqtay shacabka reer Cayn waliba keentay in madaxdhaqameed magac dheer iyo sharafa ku lahaa deegaanka ay saxaafada ka dhaartaan kaba siidarane lagama hadhine wali wa lagusii wadaa ,waxaan reer Cayn iyo Dhulbahantaha kale u sheegayaa in ay isha ku hayaan cadowga gudaha waayo Xasan Nas’rulaahi baa la waydiiyey sida ay uga adkaadeen Yuhuuda waxuu yidhi waxaanu go’aanka gaadhay dadkii xunxumaa ee naga mid ahaa, waxaad arkayseen Axmed Max’ed Aadan oo si dadkiisa ugu soo biiray si xornimo iyo geesino ah ka dib wada hadal dhexmaray isaga iyo waxgaradka Buuhoodle in ay ku sheegeen in la soo khasbay loona qabtay saacado bal beentaa daya maxaa loo la jeedaa?.  

Waxaan ka wada dharag sanahay dibin daabyooyinkii loo gaystay ragii isu tagay midnimda iyo xorayna oo watii ad in badan ku arkayseen website warqado lagu caayayo ururka halgaamayaasha ee NSUM  laguba, miyaan loo arki karin cadowga umada inuu yahay kan qofkii daacad ah daba gala ee xumaanta kasheega, mase laba odhankaraa waa munaafaqiin  kooxdaasi.

Qore: Ciise Axmed Garaad Soofe

Figrada Qoraalka waa mid gaar u ah Qoraaga ku saxeexan Ceegaag Masuul kama aha figradha Akhristayaasheeda ee ay daabacdo...............