shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Dalka Talyaaniga oo Qalab caafimaad ugu deeqay Degmooyinka Laascaanod, Ceegaag & Boocame.

(Laascaanod, January 09,  2011 Ceegaag Online)

Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee looyaqaaan Somali Medical Team (Save Somalia) ayaa Agab Caafimaad oo isugu jira Sariiro, Farshaan & qalab kale ugu deeqay Cisbitaalka Al Manhal ee Magaalada Laascaanod iyo Cisbitaalada Degmooyinka Ceegaag & Boocame, sidoo kale Isbataalada Manhal ee magaaloyinka Hargaysa iyo Burco.

Qalabkaas oo uu soo gaadhsiiyay deegaankaas Gudoomiyaha ururka Dr. Aaden Jaamac Muuse (Dhagawayne) waxaana magaalada Laascaanod kaga gudoomay agaasimaha guud ee Cisbitaalka Al Manhal ee Magaalada Laascaanod Dr. C/rashiid Maxamed Cali Saxar, agaasimaha ayaa u mahadceliyay Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga sida hagar la’aanta ah ee marwalba ay umada Soomaaliyeed uga gargaaraan dhinaca caafimaadka. waxaana mahad celin balaadhan dadka deegaanadani u hayaan ururka Save Somalia.

www.ceegaag.com



webmaster@ceegaag.com