shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhii raajicuun: Hodan Xaaji Nuur oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.

 

(Hargeysa January 19,  2010 Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”

Anagoo ah dhammaan qoyska reer Geedeeye meel kasta oo ay joogaan, waxaanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeryootay Marxuumad: Hodan Xaji Nur oo maalintii shalay ku geeryootay magaalada Hargeysa.

Waxaanu si gaar tacsidan ugu diraynaa dhammaan qoysaska reer Saxardiid Xaji Yasin Cabsiiya iyo reer Xaji Nuur.

Waxaanu marxuumaddaas ilaahay uga baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo

AAMIIN….AAMIIN……..AAMIIN

                                                    ***************************************************************

Sidoo kale Jamaal Xaaji Cali Cilmi iyo bahda Ceegaag.com Waxay tacsi udirayaan dhamaan Reer Xaaji Nuur  geeridii kutimid Marxuumad Hodan Xaaji Nuur   oo shalay oo taariikhdu ahayd January 18, 2011  ku xijaabatey magaalada Hargeysa, Waxaan Alle uga baryaynaa in janadii Fardawso ka waraabiyo marxuumada qaraabadii ehelkii iyo asxaabtii ay kabaxdeyna samir iyo iimaan Alle ka siiyo. Aamiin..Aamiin..Aamiin

webmaster@ceegaag.com