shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Biyo la’aan iyo abaar ka taagan Gobolka Cayn.

 

(Buuhoodle, January 21,  2010 Ceegaag Online) 

Iyadoo Guud ahaanba Gobolada Wadanka Somalia ay haatan ka jiro abaaroiyo Biyo la,aan saamayn Wayn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Wadanka Somalia ayaana dhinaca kale Biyo la,aanta iyo abaaru haatan Waxay gaadhay Meeshii ugu saraysa Magaalada Buuhoodle oo kamid tahay Meelaha Biyo la,aantu gaadhay Halkii ugu saraysay Waxana soo food saaray Goobaha ganacsiga iyo Xaafadaha Magaalada Buuhoodle biyo la’aan.

Meelaha laga dareemayo Biyo la,aanta ayaan Waxa kamid ah Xaafadaha Magaalada Buuhoodle Goobaha ganacsiga iyo Dhulka ay degan yihiin Dadka Reer Guuraaga ah oo haatan biyo la,aan Xoogano laga soo sheegayo iyadoona Guud ahaanba Xooluhu ay haatan Fariisteen Xaalufka daraadiis Dadkuna ka Cabsi Qabaan inay Xoolahoodu Abaartu dhamaysan iyo Biyo la’aantu.

Waxana Xiligan Gudaha Magaalada Buuhoodle soo food saaray Biyo la,aan Xoogan Waxa Culumada Diinta Buuhoodle oo Maanta Salaadii Jimce ka Hadlay Masaajidyada Magaalada Buuhoodle ugu baaqeen Dadka biyaha haysta inay Gar gaar deg deg ah u fidiyaan Dadka Walaalahooda Muslimiinta ah ee ku haraadan Gudaha Magaalada Buuhoodle iyo Dhulka
Miyiga ah, shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana sawiro iyo Qiiman ku soo samayn Doonta Heerka ay haatan Gaadhay abaarta ka jirta Mandaqada kala soco.

Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com