shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Biyo la’aan baahsan iyo xaaluf ka taagan Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda.

(Ceegaag, January 12,  2011 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda ayaa ku soo Waramaya in degmadaasi Ceegaag haatan ay soo food saartay biyo la,aan saamayn ku yeelatay guud ahaanba degmada Ceegaag iyo tuulooyinka kale oo degmadaasi hoostaga haatan Qiimaha biyuhu gaadheen degmadaasi heerkii ugu sareeyey, Waxaana kaloo degmada ka jira Xaaluf baahsan oo saamayn Wayn ku yeeshay Noloshada Xoolaha ku dhaqan degmadaasi....

Gudoomiyaha Degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali (Abdiriigle) ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com qadka telephone ugu sheegay in Baaxada Abaarta ka jirta degmada Ceegaag iyo biyo la.aantu gaadhay Meeshii ugu saraysan xiligan, isagoo noo sheegay in Qiimaha Foostada Biyaha haatan degmada Ceegaag gaadhay 3$Doolar Waxana degmada looga soo dhaamiyaa Deegaano fog fog Xiligani, Maadaama gabi ahaanaba ay go’een Baraagaha degmada Ceegaag,  Gudoomiyaha Degmada ayaa ugu baaqay ha,yada samafalka inay Degmadaasi Ceegaag iyo Tuulooyin kaleba la soo gaadheen Kaalmo deg deg ah.

Cali dhagjar
Garoowe



webmaster@ceegaag.com