shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booliska Degmada Wajaale oo Gacanta ku ku dhigay Lacag badan oo Doolar ah oo Faalso ah

 

(Wajaale, January 27,  2010 Ceegaag Online)

Ciidammada ammaanka dalka Itoobiya ee ku sugan magaalo-xuduudeedka!!!!! Tog-wajaale, ayaa Gacanka ku soo dhigay nin sitaylacag ka badan boqolka kun oo doollarka Maraykanka ah oo faalso ah.

Taliyaha ciidanka bilayska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Wajaale Mr. Maxamed Maxamuud oo u waramayey  wakaaladda Walta ee dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyey in ay qabteen nin aan haybtiisa la caddayn oo doonayo inuu dhinaca Somaliland u gudbiyo 103,900 (boqol iyo saddex iyo sagaal boqol doollar ka Maraykanka) oo been abuur ah.

Taliyaha booliska Wajaale ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxa uu sheegay in ninkaasi lagu qabtay noodhadh ka mid ah lacagta been abuurka ah ee uu sitay oo ugu jiray shandadiisa gacanta.

Mr. Maxamed waxa uu qabashada lacagtaas ku tilmaamay mid qayb ka ah hawlgallo ciidammada ammaanka ee Itoobiya kaga hortagaan lacagaha sharci-darrada iyo been abuurka ah ee loo kala gudbinayo xuduudaha dalalka deriska, isla markaana xabsiga u taxaabeen ninka ay ku qabteen xadka Tog-wajaale ee doonayey inuu lacagta faalsada ah ula tallaabo dhinaca Maamulka Somaliland.

Mudooyinka Gobolada Wadanka Soomaaliya Waxa siwayn ugu soo badanayey lacagaha Faalsada ah ee ee lagu samaynyo Isla Gudaha Wadankaasi, lacagahaasi oo kadibna Ganacsiga u Gaysta Curyaamin farabadan oo dhaqaalaha Wadanka gabi ahaantiisa Hoos u dhigay.

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com