shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Booliska Mudug oo u Raad Jooga Kooxo Dilay Xeer Ilaaliyihii Maxkamada Gobolka Mudug

 

(Gaalkacayo, January 26,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo Waramaya in Wali Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ku Raad joogaan Cidii ka danbaysay Dilkii Xeer Ilaaliyihii Maxkamada Gobolka Mudug.  Weerarkan oo dhacay kadib Salaadii maqrib oo uu marxuumku ku tukaday masjidka,  wararka ka soo baxaya Ciidanka Amaanka ayaa  waxaa ay sheegayaan inay geysteen koox hubaysan oo markii hore rasaas ku furtay Marxuumka sidoo kalena  dhaawacay qof ka Marxuumka  agdhawaa, waxaana isla goobta ka dhacay qarax Banbo oo ah nooca gacanta laga tuuro ah.
 
 
Lamaaha amaanka Magaalada gaalkacyo ayaan ku Raad jooga kooxaha fuliyey Dilka Masuulkaasi oo lagu dilay gudaha magaalada gaalkacyo, Waxana Weerarka Xeer ilaaliyaha Maxkamadu imaanaya Xili shacabka Puntland ka nasteen dilalka Qorshaysan.

webmaster@ceegaag.com