shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Colaadii baliga Kalshaale oo soo cusboonaatay

(Buuhoodle, January 30,  2011 Ceegaag Online)

Wararka ka imanaya deegaanka baliyada Kalshaale iyo Hagoogane ayaa ku soo waramaya in maanta barqadii dhinaca Saacada Geeska Arikada Bari ay iska hor yimaadeen ciidamo korjooga ah oo ka soo kala jeeda Qorilugud iyo Buuhoodle, Dagaalkaa ayaa keenay qasaaro labada dhinac ah dhimasho iyo dhaawaca inta la hubo laba ayaa ka dhimatay halka midina ka dhawacmay beesha Qurulugud, iyagoo ilaa todoba beesha reer Buuhoodle ah maxaabiis ahaan u qabsaday.

Dhinaca Buuhoodle wararka uu soo sheegayo wariyaha mandaqada Cali Dhagjar ayaa sheegaya in ilaa afar ay ku dhimatay balse aan maydkoodii laga soo qaadin goobta dagaalka halka la keenay afar dhaaawaca oo qaar dhaawacoodu culus yahay isbataalka Buuhoodle.

Caawa Buuhoodle iyo Qorulugud ayaa daruur colaadeed dulhoganasaa halka lafilayo in dagaal qadhaadh uu ka qarxo subaxnimadii, aagagan ayaysan haatan ku sugnayn ciidamo dhexdhexaad ah oo nabada sugaa....

Dhinaca kale Garaado, Wadaado iyo Waxagaradka Reer Buuhoodle  oo nalasoo xidhiidhay  ayaa ugu baaqay shacabka Dhulbahante ee ku sugan deegaanada Ismaamulka Soomaalida (Kililka Shanaad) inay ka feejignaadaan inay dagaalka Hagoogane ka aaneystaan shacabka walaalahooda ah ee ku sugan wakhtigan Abaaraha ah deegaanadaa...

webmaster@ceegaag.com