shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhakhaatiir Ajaanib oo Degmada Burtinle ka bilowday Adeeg Caafimaad oo lagu daawaynayo Carruurta Haweenka iyo Dadka Maskasda Wax ka qaba

 

(Burtinle, January 03,  2011 Ceegaag Online)


Degmada Burtinle oo katirsan Gobolka Mudug ayaa Maanta Waxa dhakhaatiir Ajanib ahi ka Bilaabeen tabarucaad Adeeg Caafimaad ah oo loo sameeyey Carruurta iyo Haweenka ku dhaqan Degmadaasi Burtile Waxana dhakhaatiirtaasi ka kala yimaadeen Qaarkamid ah Wadamada Caalamka ugu horumarsan dhinaca adeega Caafimaadka, iyagoona Deegaanada Puntland u yimid inay adeeg Caafimaad oo Bilaasha ah u fuliyaan Haweenka iyo Carruurta ku dhaqan Qaarkamid ah Gobolada Puntland oo baahi Wayn oo dhinaca Caafimaadka ahi Haysato.


Waxan Maanta Degmada Burtinle dhakhatiirtaasi ka bilaabeen inay adeegaasi Caafimaad u fuliyaan Haweenka Carruurta iyo Qaarkamid ah Dadka Maskaxda ka jiran oo u baahan adeeg Caafimaad oo sareeya, iyagoona kulamo dheeraad ah siiyey Dadkaasi bukaanada ah.


Dhakhaatiirtani ayaana Puntland Waxa soo galisay Wasaarada Caafimaadka Puntland oo haatan Dhakhaatiir taasi gacan ka siinaysa inay la kulmaan Bukaanada ku dhaqan Magaalada Burtinle iyagoona horay u soo Maray Magaalada Garowe oo howlo Adeeg Caafimaad ah ka soo Fuliyey Isbitaalka Guud ee Garowe, Waxana imaanshiiyaha dhakhaatiirtani soo dhaweeyey shacab badan oo ku dhaqan Mandaqada kuna tilmaaya Horumar laga gaadhay dhinaca Caafimaadka.


Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Garowe
 



webmaster@ceegaag.com