Aabe iyo Hooyo walbo waxa ugu horeeyo oo ay caruurtooda la doonaayaan waa inau uun  wax u bartaan,  caruurta markay gaaraan da'a  shan sano ilaa lix sano jir,  waxaa lagu bilaabaa sidii u wax u baran lahaa Quraanka Kariimka haba ugu horeeyee, caruurta marka la geeyo iskuulka waxay soo maraan marxalado kala duwan taas oo ah dugsi hoose  ilaa fasalka  afraad,  canuga waa uun arday waxii waalidkiis u sheegay kaliya ayuu maqlaa.

Iskuulka ardaywaliba waxa uun is leeyahay hebalba waa aadaaye adiga maxaa kaa reebay, waqtiga fasalka shanaad aad dugsi dhexe waa waqtiga ugu xiisaha badan iskoolka ilaa fasalka sideedaad, mar haduu dugsi sare gaaro waa qof weyn oo kala garanaaya waxuu rabo iyo wixii u mustaqbalka rabo in uu noqdo.

Arday walbi waxuu jecel yahay jaamacad in u banaanka ama dibadda u aado  inta badana waa wax iska fursad ah, laakin waqti xaadirkaan la joogo waxaa jirta dhibaato aad u weyn oo heysata ardayda dibadda nasiibka u heshay gaar ahaan qurbo nacasta kuwa joogo.

Dhibaatooyinkaas waxay kala yihiin ardayga marki uu yimaado wadan uusan horay u arkin ama mar dhoof uuba yahay waxaa ku dhacaaya wax la yiraahdo hilow ama (home sick), sanadka ugu horeeya waxaa ku adag luuqadi amaba waxuuba wali la qabsan la' yahay noloshii meesha u joogo.

Sanadka labaad aad waxuu ku jiraa sidii u mar uun usoo af jari lahaa dhibaatadaan badan ee waxbarashada ka heysata, marku taa ku guuleesto sanadka ugu dambeeyo jaamacada ardayga waxaa ka dareemeysaa in uu niyad ahaan kaba liito sanadihii hore taasna waxaa sabab u ah arday walbo marki u jaamacad bilaabayo waxuu leeyahay qorshe ku wajahan markuu jaamacada dhameeyo wixii u sameyn lahaa, laakin hadii aa anaga Soomaali nahay qorshahaas waxaa sameesta ama samaysan kara boqolkii qofba hal qof (1%).

Hadii aan tusaale ahaan usoo qaato nin saaxiibkey ah oo La dhaho Abukar Jamhuri waxuu bogga uu facebook ku leeyahay ku soo qoaray darbigiisa 'anigu uma faraxsani sida saaxiibadey ay u wada faraxsan yihiin marki laga reebo in aan jaamacdii dhameeyey oo kaliya' run ahaanti maalintaas aniga in aan ooyo wax yar ayaa iiga dhimaneeyd nasiib wanaag waxaan fadhiyey meel asaxaabteyda oo dhan wada fadhiyaan oo kaftan badan ka socday laakin hadii aan kaligey ahaan lahaa labo cali isma weydiisen in aan ooyo maadaama aan isku waqti dhameynay  oo aan dareemayey dhibka jira.

Waa sax waa wax dhaco mar walbo sababtoo ah arday walbaa markii u jaamacada dhameeyo wuxuu ku farxaa in uu ku laabanaayo wadankiisa in u jaamacadii dhameeyey iyo in noloshiisa waqtigii ugu fiicnaa uu ku jiro wax badana ka badali doono horumarka dakiisa,  laakin hadii aan Soomaali nahay dhibkaba waxuu ku bilaabanaaya markaa jaamacadi dhameeyso meel aad ku laabatana aaddan laheyn wax shaqo ah sidaa meeshaa joogto aad  uga bilawdana ay aad u adagtahay waa markaas iyo dhibaato kale iyo Baasaaboor wadamada  dariska ah raadi ayadoo uu qarash kale kugu sii baxaayo lagana yaabo qoysaska qaarkood in aysan u awoodin wiilkooda/gabadhooda.

Sow dhibaato maahan ardayga aad isku qolka dagantihiin hadii ku dhaho hebal waxaan ku laabanaayaa wadankeygi asigoo faraxsan oo boorsadiisiina u xirxiran tahay adna wadan iska daaye xitaa boorsadaada meeshi aad u qaadan laheyd oo ku qorsheysan aynan jirin  xal ilaahaa ku maqan dhibaatada na heysato hadiii an nahay ardayda soomaaliyeedna ilaah ha naga saaro waxooshtaan wadka isku heysatana ilaahey hana dhaafiyo dhamaantood kuwa kheyr qabo ha noo keeno Aamiin

Faalo Qore: Abdirizak Hassan Mohamed ( BISLE)