shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dibad Bax Balaadhan oo Maanta Boosaaso ka dhacay iyo Ganacsatada oo sameeyey shaqo Joojin

(Boosaaso, January 18,  2011 Ceegaag Online)

 

Magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland ayaa maanta galinkii hore Waxa ka dhacay  banaanbaxayo balaaran oo looga soo horjeedo hadal maalintii shalayto ka soo baxay Maamulka degmada Boosaaso oo ku aadanaa inay gabi ahaanba cagta marinayaan suuqyada kuyaala magaalada Boosaaso gaar ahaan kuwa laamiga saaran oo sharcidaro Ganacsatadu u dhisteen, isla markaana dib u habayn lagu samaynayo bilicda magaalada Boosaaso.


Suuqa dhexe ee Boosaaso ayaa noqday mid gacanta ku qabta dan yar badan oo ku nool gudaha boosaaso,iyadoona qoysas badan ay biil ka heleen iyaga oo caruurtoodana wax ku baraya iyagana quutul yoomkii ka helaya suuq, waxayna maamulka degmada Boosaaso ugu baaqeen inuu go'aankaaasi dib uga Laabto..


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle
 


webmaster@ceegaag.com