shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Eedaysanihii Jarmalka ahaa oo Maanta Maxkamada gobolka Hargaysa Xukun ku Riday.

(Hargaysa, January 14,  2011 Ceegaag Online)

Maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa Xukun ku riday nin jarmal ah oo lagu eedeeyey inuu falal ansha xumo ka gaystay Magaalada Hargaysa ninkaasi oo haatan ku xidhan Xabsiga Magaalada Mandheera isaga iyo Gabadh Soomaaliyeed, Maxkamada ayaana Maanta ka dhacday Xabsiga Magaalada Mandheera oo ninkaasi u dhashay Wadanka Jarmalka uu Ku Xidhan yahay oo lagu Magacaabo(Gunter Bischoss).

Maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa waxay ku xukuntay Ninkan Jarmalka ah, laguna Magacaabo Gunter Bischoss, Afar Sano Xadhiga iyo lacag gaadhay 10 kun oo Dollar,isla markaana afarta sano ee xadhiga ah waxa uu ku dhamaysanaya Jeelka gudihiisa ,marka uu dhamaado mudda xadhigiisuna waa laga mustaafirinaya Maamulka Somaliland, Inkastoo oo Xukunkaasi Maxkamada uu ka Qaatay anbiil eedaymahaasina ku tilmaamay kuwa aanay Waxna ka jirin.

Sidoo kale waxa iyana maanta lagu Xukumay Mid ka mid ah Dumarkii la Eedaysnaaya waxa iyana lagu Xukumay xadhig Gaadhaaya Hal Sano iyo shan Milyan oo Shilin Soomaliland, Xukumka ninka u dhashay Wadanka Jarmal ayaana siwayn looga sugayey Guud ahaanba Mandaqada isagoona lagu eedeeyey Falal ansha Xumo oo ka baxsan shareecada Islaamka.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com