shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabadha ku sawiran lacagta kunka Shilin ah iyo nolosha ay ku jirto

 

(Muqdisho, January 06,  2011 Ceegaag Online)

Ijaabo Sugule Xalane waa mid ka ah gabdhaha  ku sawiran lacagta kunka shilinka Soomaaliga  ah ee farsameynaya  farshaxanka hidaha iyo dhaqanka dalka,  waxay darajadaas ku muteysatay 15 boos oo sida ay sheegtay ay siisay Dowladdii dhexe ee dalka ka jirtay.

Gabadhii Nasiibka u yeelatay in sawirkeeda wax lagu iibsado waxa ay haatan ku nooshahay  Aqal Soomaali ay ka dhex sameysatay  Shaleemo Shenteraale  ee degmada Xamar weyne, da’deeda oo 75 jir ah waxaa u wehliya Duruuf adag oo ay ku jiraan ayada iyo carruur ay ayeeyo u tahay.

 

Ijaabo Sugale Xalane ayaan maanta booqanay ayadoo ku sugan Aqalkeeda oo ay ku sameysatay Musqul ay ayadu qodatay, waxaana hareero   9 carruur yar yar ay ayeeyo u tahay oo daruufeaysan,  xilligaasi oo Duhurkii ku dhweyd waxay gacanta kula jireen ayada iyo carruurteeda raashin  laga keenay  meelaha cuntada bisil laga dhiibo oo aad u qalalnaa (aan iidaan laheyn),  waxaan weydiinay nolosheeda, si gaaban ayay ku jawaabtay.

“Shan iyo toban Boos iyo maal kale maanta waxaan ka fadhiyaa Shineemo Shentaraale, waxaan ka shaqeynayay wasaaradda warfaafinta, farshaxanka ayaan sameyn jiray, Laakin noloshaas waa is bedeshay, aniga iyo carruurtaan aan ayeeyada u ahay, cuntadan (cuntada bisil ee laga qeybiyo kaamaka) ayaan ku nool nahay.

Ijaabo Sugule xalane ayaan wax ka weydiinay sida sawirkeeda loogu daabacay lacagta kunka shulin ee Soomaaliga, waxayna sheegtay in ayada iyo koox kale oo farshaxanka ka shaqeeya bandhig ay ka sameeyeen Xeebta Liido, kaddibna ay ka warheshay sawirkeeda oo ku daabacan lacagta.

Sidoo kale Ijaabo waxay sheegtay in howl karnimo ay ka muujisay shaqooyin ay qabatay xilligii dalku dhisnaa ayna ka qeyb qaadatay mashaaric badan oo iskaa wax u qabso lagu fuliyay, abaal marino badana ay ku heshay intii ay shaqada qaranka gudaneysay, hase yeeshee waxay si dareen leh u tiri “Aduunyada ayaa sidaan iska ah”.

Baaq ayay u dirtay shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay carruurta iyo dhallinyarada ha la siiyo fursad ay ku hagaajiyaan noloshooda iyo mustaqbalkooda, waxayna sheegtay in gabadha kula sawiran lacagta oo ay magaceeda ku sheegtay Faadumo Xirisi Maxamuud ay ku jirto nolol la mid ah tan ay ku sugan tahay ayadu.

Xigasho: Radiomuqdisho

webmaster@ceegaag.com