shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ha'yada AIDS Puntland oo Garowe ku soo bandhigay Wax Qabadkeedii, 2010, kana soo Qayb galeen Ha'yada Caalmiga ah

(Garoowe, January 04,  2011 Ceegaag Online)

Agaasimaha Guud ee ha'yada PAC Maxamed Abdi Qaadir kalmadii uu kulanka ka jeediyay Dhagayso

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimadka ee Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale kalmadii uu kulanka ka jeediyay  Dhagayso

Magaalada Garowe Waxa Ku soo gabo gaboobay kulan saddextii Maalmood ee la soo dhaafay Garowe uga socday ha'yada ka hortaga Cudurka HIV/AID iyo kulankaasi oo Magaalada Garowe ku soo Qaban Qaabisay ha,yada
AIDSka Puntland u Qaabilsan ee la yidhaahdo Puntland AIDS  Commission(PAC) Waxana kulankaasi intii uu ka socday Hoolka shirarka ee Libririga Garowe ka soo Qayb Galay Ha'yada Caalamiga ah iyo NGOSka ka hortaga Cudurkaasi faafitaanka Cudurkaasi

Ha'yada Puntland AIDS Commission  ayaana goobtaasi ku soo Bandhigtay Wax Qabadkeedii sanadii 2010 oo Agaasimaha Guud ee Ha'yada PAC goobtaasi ka sheegay inay Wax badan ka Qabteen faafitaanka Cudurka Aidska isagoona Mahad goobtaasi uga Celiyey Ha'yada NGOska ay Wada shaqaynta tooska ah leeyihiin, Waxana uu Agaasimaha Guud ee ha,yada PAC Maxamed Abdi Qaadir kaloo sheegay in ha,yadu Xafiisyo ku leedahay Dhamaan Gobolada Puntland Waxana ugu baaqay ha,yada Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah inay ka Qayb Qaadaan Sidii Cudurkaasi loo Xakamay
lahaa Bulshadana looga Wacyi Gali lahaa,

Ugu Danbaytiin Waxa kulankaasi soo Xidhay oo Khudbad dheer Goobtaasi ka soo Jeediyey Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimadka ee Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale Waxa Wasiirku uu goobtaasi uga Duiceeyey dhamaan Dadka Qaba Cudurkaasi inuu ilaahay Caafimaad deg deg ah siiyo kana Dul Qaado Xanuunka, Wasiirka ayaana sheegay in Cudurkaasi ilaa haatan Caalamku uu san Wax Daawa ah u hayn loogana Baahan yahay Bulshada inay Wacyi gali sameeyaan kana fogaadeen Waxyaabaha Cudurkaasi laga Qaado.

Daawo Sawirada



Cali dhagjar
Ceegaag.com
Garowe

webmaster@ceegaag.com