Ha'yada NPA iyo Ururka Samafka ah ee SRO ayaa Deeq iyo Gurmada Deg deg ah soo gaadhiyey Ceelka Riiga Buuhoodle oo fadhiyey Mudo farabadan kadib Markii Qalabkaasi Ceelka Biyaha soo saara Qaarkood ku yimaadeen
Cilado farsamo gaar ahaan Ceelkii ugu horeeyey ee Shirkada Dayax ka hirgaliso Magaalada Buuhoodle Ceelkaasi oo ku yaala Duleedka Magaalada Buhodle oo fadhiyey in Mudo ah


Qalabkani iyo shaqaalihii Xirfada gaarka ah u lahaa ayaana Gobolka Cayn Waxa si deg deg ah u soo gaadhsiiyey Ururka Badbadada Bulshada RSO Waxana Masuuliyiinta Ururkaasi oo ugu Horeeyey Abdirashiid Jamac
Biixi uu Maanta Qalabkaasi ku Wareejiyey Isimada Cuqaasha iyo Masuuliyiinta Ceelka Buuhoodle kadib Xaflada Kooban, Waxana ugu horayba Goobtaasi Hadal ka soo Jeediyey Dr Abdirashiid Jaamac Biixi oo katirsan Ururkaasi SRO oo Sheegay inay Dadaal badan ay Qalabkaasi oo baahi Wayn loo Qabay ku guulaysteen inay Gacanta ku soo dhigaan, kuna Deeqday Ha,yada NPA ee Saldhigeedu yahay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaasi Sool.



Ugu danbaytiina Waxa Goobtaasi Hadal Mahad Celina ka soo Jeediyey Garaad Abdilahi Garaad Soofe oo Qalabkaasi lagu Wareejiyey isaguna Markiiba ku Wareejiyey Masuuliyiinta Ceelka Buuhoodle Garaadka ayaana Sheegay inuu aad ugu Mahad Celinayo Ururkaasi SRO iyo Ha,yada NPA oo Qalabkaasi oo Ceelka Buuhoodle u fadhiyey Gurmad deg dega ku soo gaadhsiiyaan, Waxgaradka Buuhoodle ayaana sheegay inay Xiligan Qalabkaasi baahiwayn u Qabeen iyadoona Biyo la,aan iyo Abaaro baahsani ka jiraan Guud ahaanba Gobolka Cayn..