shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isbitaalka Garoowe oo la keenay dad kusoo dhaawac-may tacshiirad ka dhacdey Kalabaydh.

(Garoowe, January 15,  2011 Ceegaag Online)

Isbitaalka Guud ee Magaalada Garowe ayaa Waxa la soo gaadhsiiyey ugu yaraan Labo Ruuxi oo dhaawacoodu Culus yahay kuna soo dhaawacmay Duleedka Magaalada kalabaydh oo koonfurta kaga beega Magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolkaasi Sool, Shilkaasi gaadhay ayaa yimid Kadib Markii Ciidamada Maamulka Somaliland Rasaas Xoogan ku fureen gaadhi ka soo Kicitimay dhinaca Magaalada Boosaaso kuna sii Jeeda Magaalada Buuhoodle oo Xamuul ah.

Tacshiiradaasi ayaana Waxa Dhaawac Culusi ka soo gaadhay labo kamid ah Dadkii la socday gaadhi oo haatan lagu daawaynayo Isbitaalka Guud ee Magaalada Garowe, Qaarkamid ah Rakaabkii la socday Gaadhigaasi ayaana Ceegaag.com u sheegay in Rasaas Xoogan lagu furay oo Ciidamada Maamulka Somaliland ku fureen oo Goobtaasi ku sugnaa,

Tacshiiradani ayaan timid Xili deegaanka Kalabaydh Maalintii Shalayto Iska horimaad aan Xooganay uu ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Ciidamo u dhashay deegaanka Kalabaydh oo Deegaankaasi soo galay dibna dib looga Riixay isla Markiiba, Markii Ciidamo tiro badan oo Maamulka Somaliland ahi gaadheen Magaalada kalabaydh...

Cali dhagjar

Garoowe


webmaster@ceegaag.com