shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan Dhexmaray Xulka Isboortiga Gobolka Sool iyo Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo Jeeda Sool iyo Cayn oo looga Hadlayey Qaabkii lagu Horumarin lahaa

 

(Garoowe, January 01,  2011 Ceegaag Online)

Kulan Balaadhan ayaa Maanta ka dhacay Xarunta Wasaarada Maaliyada ee Magaalada Garoowe kulankaasi oo ay ka soo Qayb galeen Dhamaan Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo Jeeda Gobolada Sool iyo Cayn iyo Isboortigii ka socday dhinaca Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, Kulankani ayaan Waxa soo Qaban Qaabiyey Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada ee Puntland Cabdi ibraahi Warsame (Cabdi Qawdhan) Waxan kaloo ka soo Qayb galay Orodyahanka Soomaaliyeed Abdi Bile abdi iyo Qaarkamid ah Isimada oo goob joog ahaa.


Muhiimada Maanta kulankan loo Qabtay ayaa ku saabsanay Dhiiri galinta iyo Qor u Qaadista Isboortiga gobolada Sool iyo Cayn gaar ahaan Xulka Gobolka oo ka Qayb galay Tartankii Ciyaaraha gobolada Dalka Somalia ee lagu soo Xidhay Magaalada Garoowe oo Ciyaaro Wanaagsani ay ku soo Bandhigeen Ciyaartowtii ka socday Xulka Gobolka Sool


Kulankani ayaana Waxa Khubado farabadan oo lagu dhiiri Galinayo isboortiga iyo Qaabkii ugu Wanaagsan ee dhaqaalo loogu samayn lahaan Khubado ka soo Jeediyey Wasiirada Maxamed Faarax Ciise Gaashaan Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Gudoomiyey Kuxigeenka Golaha Wakiilada Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriyey iyo Xildhibaano kale, oo Xulka Gobolka sool ku dhiiri Galiyey inay la yimaadaan Ciyaaro Wanaagsan sanadka Danbe Hadii ilaahay Idmo.



Waxana Dood dheer oo dhexmartay Wasiirada iyo Bahda Isboortiga ee Gobolka sool Hoosta laga Xariiqay in Gudi ka kooba Wasiirada iyo Isboortiga oo ka Wada shaqeeya Kor u Qaadista Isboortiga laNA Sameeyo dhaqaale goob loogu Aruuriyo, Xulka Gobolka Sool ayaana u soo Gudbiyey Wasiirada iyo Xildhibaanada Baahiyana Isboortiga ee Xulka Gobolka sool.


Ugu Danbaytiina Waxa Wasiirada iyo Xildhibaadanada ka soo Jeeda Gobolada Sool iyo Cayn ku dhawaaqeen inay Bilkasta lacag u dhigayaan Ciyaartowta Lacagtaasi oo lagu Horumarinayo Xulka Gobolka Sool iyo Cayn Waxana kaloo la Qabtay Gudi ka kooban Wasiirada Xildhibaada iyo Xulka Gobolka Sool oo ka Wada shaqeeyaha Horumarka Isboortigan iyo Baahinaya ay u baahan yihiin isboortigu Meelna looga soo Wada Jeesta haatan Horumarka Isboortiga ee Goboladaasi..........





Cali dhagjar
Ceegaag.com
Garoowe
 



webmaster@ceegaag.com