shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ma taqaanaa Waxyaabaha Dalka Soomaaliya uu ka dagiwaayay.

(Somalia, January 21,  2010 Ceegaag Online)

Warbaahinta Soomaalida Badankooda Waxay Kaalinta 1aad Ka Qaateen  Burburinta Dalka  sababto ah suxufiga ama warbaahinwalbo ee dal ama dad leeyihiin waxay badanaa ka shaqeeyaan sidii ay usoo bandhigi lahaayeen waxii horumar ah waxii qaldana loo saxo ayado loo maraayo jid wanaagsan oo aan bulshada kala fogeyneyn iyo sidaa nabada loogu ololeynlahaa laakin waxaa moodaa inay ka duwantahay  warbaahinta soomaalida waxaad arkeysaa warbaahin  soomaaliyeed oo hadana leh waxaan warkan ka soo xiganay  Warbaahin hebal oo ajinabi ama dal shisheeye leeyahay adigoo soomaali ah wax soomaaliya ku saabsan oo gudaha dalka ka dhacay sidee uga soo xiganee idaacad ajinabi leeyihiin taas aniga waxaan u arkaa inay tahay nasiib daro dalka iyo dadkaba ku habsatay taasna waxaan u aaneyn karaa aqoon yari in ay tahay oo dadka badankooda ka shaqeeyo warbaahinta aysanba fahansaneyn waxay tahay shaqadiisa ama magaca u wato.

Tusaale Ahaan Waxaa Lagu leeyahay Wariye hebal oo Madax banaan Wariye Qabiili ah ama Quud Bursi Ah Mala Dhihi Karaa Wariye  Madax banaan? Waa Maya ...Wariye Madax banaan Waa Wariye Ka Madax Banaan Danaha Gaarka Ah oo Shaqsi Ama Qabiil Leeyahay.

Hadaan Wariyeyaasha magacyadooda iyo Jaamacad Ay Ka Soo baxeen iyo Waliba Siday  u shaqeeyaan idiin Sheego Waa Sidaan

1. Wariye dilaaye Hadii Guri Cidna Aan ku jirin Dab Qabsado Waxuu leeyahay Guri hebal Ayaa Gubtay 5 na Waa Ku Dhimatay 20 Kalena waa ku wax yeeloobeen ama ku dhaawacmeen

2. Wariye Afku Dhiigle Waligiis War Aan Dhiig Ku daadan Ma Soo Deyn Dagaal Iyo Qasaaro Sal iyo raad Toona laheyn Ayuu sheegaa

3. Wariye Ma Naxe Hadii Waraaq Tacsi Ah iyo Waraaq Tahniyad Aroos Loo Dhiibo Labada Isku Si Ayuu u Aqriyaa asigoo waliba ku raaxeysanaayo oo siduu isa qalqaloocinaayan aad moodo actror hollywoodka Ehelkiisa Ba Haku jiraane

4.  Wariye Labolabo Waxuu Qoraa Waraaq 45 Page Ka Kooban Asalamu caleykum kaliya aa Ka fahmee Inta kale Warkiisa Waa isku Soo Noqnoqona

5. Wariye Shidaaye Wuxuu jecel yahay labadi Siyaasi ama labadii shaqsi oo Arimo isku heesto Inu isa Soo hor Fariiso iskuna Diro Wax kale Hadii u Waaye 2 ciyaalka xaafada ah ayuu qoorta isu Galiyaa

By: Abdirizak Hassan Mohamed ( BISLE)
 

webmaster@ceegaag.com