shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Siilaanyo oo Xilalkii ka Qaatay Qaarkamid ah Golihiisa Wasiirada, Axmed Abdi Xaabsadena Wasiir u Magacaabay.

(Hargeysa, January 15,  2011 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Maanta digreetooyin Madaxweyne xilkii kaga qaaday laba wasiir, sidoo kalena ku Magacaabay laba Wasiir oo Cusub, Waxa kale oo uu madaxweynuhu Wasaaradihi hore ee ay hayeen ka bedelay labada wasiir ee wasaaradaha warfaafinta iyo xanaananada Xoolaha oo uu u Magacaabay Wasaarado Cusub oo Maanta ku soo Biiray Golaha Wasiirada ee Maamulkaasi

In Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Maamulka Somaliland

In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Maamulka Somalilland

In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga laga Bilaabo Maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL.

In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maamulka Somaliland.

Golaha Wasiirada ee Maamulka Somaliland ayaa haatan Waxa ku soo biiray Axmed Cabdi Xaabsade oo ka soo Jeeda Gobolka Sool  Waxayna Magacaabista Xaabsade ku soo Beegmaysaa xiisado colaadeed oo kajira Gobolada bariga Somaliland.

Cali dhagjar

Garowe


webmaster@ceegaag.com