shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo kormeedh ku tagay Jiida hore ee Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda FKMG ah..

 

(Muqdisho, January 25,  2010 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda KMG ah  ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa kormeedh ku tagay jiidaha hore ee  ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladdu KMG ah ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo  xidhnaa labiska Tuutaha Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa booqdey aagga Warshadii hore ee  Caanaha iyo Isbitaalka Xoogga oo ay ciidamada Dowladdu difaac uga jiraan isagoo soo maray fariisimo kale oo degmada Hodon ka tirsan oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda.

                           

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa salaam ka qaatay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo warbixin ka dhagaystay saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Somalia.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisaahayd si uu u dhiirri galiyo ciidamada Dowladda , isla markaana uu qeyb ka yahay dardar gelinta howlaha ammaanka ee caasimada Somalia.

Wiigii hore ayay ahayd markii Ra’iisal Wasaaraha Somalia Mohamed Abdilahi Farmaajo booqdey Fariisimada Ciidamada Dawladda ee jiidaha hore ee magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com