shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaaharaad Rabshado wata oo lagu diidan yahay Qalalaasaha nabad galyoxumo ee mandaqada SSC oo ka dhacay magaalada Laascaanood

 

(Laascaanood, January 31,  2011 Ceegaag Online)

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa ayaa kusoo waramaya Mudaaharaad Rabshado wata oo lagu diidan yahay Qalalaasaha nabadgalyo xumo ee mandaqada SSC oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Mudaaharaadkan oo markiisii hore ku bilowday  si nabadgalyo ah ayaa isu badalay mid rabshado wata ka dib markii ciidamada Booliska Laascaanood rasaas nool ooda kaga qaadeen banaanbaxayaashaas. Sida goobjooge noo xaqiijiyay dad kamida shacabka ayaa iyaguna ugu jawaabay  Booliska rasaas kana gubay labo gaadhi

Intaa dabadeed ayaa gabi ahaanba Boolisku bilaabeen raaf iyo rasaas ka dhan ah shacanka taasoo keentay in lawaayo meel dadka lagu qabqabtay Banaanbaxaas la geeyo.

webmaster@ceegaag.com