shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo la kulmay Ra段isul Wasaaraha ITALY (Sawiro)

 

(Rome. ITALY, January 21,  2010 Ceegaag Online) 

Ra段isul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa maanta kulan la yeeshay Ra段isul Wasaaraha Talyaaniga Hon. Silvia Berlusconi. Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska Ra段isul Wasaaraha Talyaaniga Palazzo Chigi. Ra段isul Wasaaraha Somalia waa dalkii ugu horreeyey ee Europe ee uu soo booqday tan iyo intii loo magacaabay xilka Ra段isul Wasaarenimo.

Ra段isul Wasaaraha Somalia Mohamed A. Mohamed ayaa warbixin kooban ka siiyey Ra段isul Wasaare Berlusconi xaaladda dhabta ah ee Somalia oo ay ku jireen dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, gar-gaarka bani誕adanimo, horumarka ay Xukuumadda cusub ku tallaabsatay iyo sida loogu baahanyahay in Caalamku ay kala shaqeeyaan Dowladda Somalia arrimo fara badan oo ay ka mid tahay sidii mudada u hartay dowladda ay u dhameystiri laheyd dhammaan howlaha horyaalla.

Ra段isul Wasaaraha Talyaaniga Hon. Silvio Berlusconi ayaa sheegay inay aad iyo aad uga xunyihiin dhibaatooyinka dalka Somalia, wuxuuna ballanqaad buuxda siiyey Ra段isul Wasaaraha Somalia oo uu yiri Aniga ayaa si shaqsi ah arrimaha Somalia ugu soo jeesanaya, isla markaana uu sheegay inay kordhinayaan dhammaan taageeradooda dhanka siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Sidoo kale Mudane Berlusconi waxuu sheegay inay wax ka qabanayaan dhanka gar-gaarka bani誕adanimo iyo dhanka horumarinta, sida mashaariic cusub iwm. Sidoo kale Ra段isul Wasaare Berlusconi waxuu sheegay inuu hadda waxii ka danbeeya xiriirka labada dal iyo sidii ay Talyaaniga gacan weyn u siin lahaayeen dowladda Somalia ayna ka wada shaqeyn doonaan.

Sidoo kale arrimaha labada Ra段isul Wasaare ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo soo celin lahaa xiriirkii qotada dheeraa ee taariikhiga ah. Arrimaha kale ee laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa amniga, argagaxisada caalamiga ah iyo arrimaha burcad badeedka.

 

webmaster@ceegaag.com