shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Isgaadhsiinta ee Golis oo Abaal Marin Gudoonsiisay Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan faroole,  Abdi Bile Abdi iyo Gudigii Qaban Qaabada Ciyaaharaha Somalia(Daawo sawirada)

 

(Garoowe, January 01,  2011 Ceegaag Online)

Kadib Markii Maalintii shalayto Garoonka kubada Cagta ee Mire Awaare ee Magaalada Garoowe lagu soo Xidhay Ciyaarihii gobolada Dalka somalia ee ka socday Magaalada Garowe ayaa Xafladii koobka lagu Gudoonsiinayey Gobolka Banaadir Waxa shirkada isgaadhsiinta ee Golis oo ah shirkada ugu Caansan shirkada ka hawl gala Puntland Waxay abaal Mario Gudoonsiisay Madaxwaynaha Gudigii soo Qaban Qaabiyey ciyaaraha iyo orodyahanka Caanka ah ee Abdi bile Cabdi oo Golis u Gudoonsiisay Abaal Marin.


Waxana abaal Marintaasi Gudoonsiinayey Maareeyaha Guud ee shirkada Isgaadhsiinta Golis aadan shiikh Doono  Madax suuqgaynta ee Golis Sh Cumar faaruuq iyo Masuuliyiin kale oo katirsan shirkada Isgaadhsiinta ee Golis, Waxayna sidoo kale shirkada Golis ugu deeqday Saddexdii gobol ee kala galay Kaalmaha ugu deeqday Dhamaan Ciyaartowtii ka socday Mobilo Waxayna kaloo Golis Abaal Marino Gudoonsiisay Qaarkamid ah Masuuliyiinta isboortiga iyo Ciidamadii ilaalinayey Amaanka oo Golis ugu Deeqday lacag dhan 1000$.


Shirkada Golis ayaa Waxay ahayd shirkadii Kaliya ee intii uu socday Ciyaaraha Gobolada Dalka Somalia siwayn uga Qayb Qaadata Waxana Goobtaasi Mahad Celin uga soo Jeediyey Madaxwaynaha Puntland oo ku amaanay shirkada Golis iyo Masuuliyiita ka socotay tagaeerada arimaha Horumarinta Ciyaaraha iyo ka shaqaynta Nabada Waxayna shirkada Golis ku soo bandhigtay Garoonka Mire Awaare Xayeysii lagu Qurxiyey Garoonka Mire Awaare.



Cali dhagjar
Ceegaag.com
Garoowe.



webmaster@ceegaag.com