shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska oo soo bandhigtay waxqabadkii sanadkii tagay ee 2010.

(Garoowe, January 12,  2011 Ceegaag Online)

Xarunta Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta lagu Qabtay Munaasabad Balaadhan oo Wasaarada Haweenku ku soo Bandhigtay Wax Qabadkii Wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska ee Sanadkii 2010, Munaasabadaasi oo ka soo Qayb galeen Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Gen Abdi Samad Cali shire Xubno katirsan Golaha Wasiirada ee Dawlada Puntland ha,yada Samafalka ah iyo shaqaalaha Wasaarada Haweenka.

Hoolka shirarka ee Wasaarada ayaana lagu soo Bandhigay Wax Qababkii Wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska oo Masuuliyiintii ka soo Qayb gashay siwayn u Cajabisay Waxaa Goobtaasi ka soo Jeedisay Khubad dheer Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Caasha Geele Diiriye oo sheegtay in Wasaaradu ku Talaabsaday Horumar Balaadha isla Markaana Wax badan ka Qabatay Gobolada Puntland dhinaca Horumarka, oo shaqaalaha Wasaaradu ay sameeyeen Dadaalkii ugu Balaadhnaa sanadkani.

Madaxwayne Kuxigeenka Puntland ayaana Guddoonsiiyey shaqaalaha Wasaarada Haweenka Abaal Marin ay ugu talagashay Wasaaradu shaqadii ay soo Qabteen Sanadkii tagay sida Wanaagsan oo lagu abaal Mariyey Maanta, Madaxwayne Kuxigeenka oo Khudbad Dheer goobtaasi ka soo Jeediyey ayaa sheegay in Wasaarada Haweenku tahay Horiyaalka Wasaarada Maamulka Puntland ka jira Waxa uu sheegay inuu Guul u rajaynayo Wasaarada Haweenka oo ku talaabsatay Sanadkii Labaad Horumar Balaadhan...

Cali dhagjar

Garoowe


webmaster@ceegaag.com