Kadib Markii Maalintii shalayto uu Dagaal Xoogan oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhacay Baliga hagoogane dagaalkaasi oo Dhexmaray Ciidamada Beeloodyo ka soo Jeeda Dhinaca Buuhoodle iyo Ciidamada Maamulka Somaliland oo deegaankaasi u joogay inay kala dhexgalaan Beelaha ka soo kala jeeda Bariga Burci iyo Deegaanka Buuhoodle, balse
haatan Dagaal dhexmaray Ciidamo Beeleedyada Dhinaca Buuhoodle.


Dagaalkaasi ayaana Maanta Waxa Markii ugu horaysay ka Hadlay Isimada Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle oo dagaalkaasi ku eedeeyey Masuuliyadiisa Ciidamada Maamulka Somaliland oo Tigniko ku Weeraray Labadii Beelood ee ay ku kala dhex jireen beel kamid ah iyagoona Garabsiinaya Dhinaca Beesha Bariga Burco oo dagaalka la soo gaadhay.

Hadalkani ka soo Baxay Waxgaradka Buuhoodle ayaa Markii ugu horaysay Waxa Saxaafada u akhrinayey Caaqil Cabdilaahi Xasan Qanbi oo loo Xilsaaray Dhinaca Saxaafada Waxana Warbaahintu Su,aalo ka Waydiisay sababaha keenay Dagaalkaasi ka dhacay Deegaanka hagoogane iyo khasaaraha ka dhashay inta ay kala Socdaan (Dhagayso Hadalka Waxgaradka Buuhoodle)

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle