Waxgaradka Degmada Ceegaag ayaa kulan Balaadhan oo Degmada Ceegaag ay isugu yimaadeen Kadib Waxay kaga Hadleen Abaarta iyo biyo la,aanta haatan degmada Ceegaag oo gaadhay Halkii ugu Saraysay Xaalufka iyo Biyo la,aantu.


Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Booqasho ku tagtay Degmadaasi Ceegaag ayaa Waxgaradka Degmadaasi Waxay nooga Warbixiyeen Xaaalada Biyo la,aanta iyo Xaalufka ka jira Degmadaasi Ceegaag Caaqil Abdi Jamac Gadhay iyo Waxgarad kale ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay Xaaladu Marayo Meel khatar ah.

Kalmadii uu qurbo joogta kulahadlayo Oday Cabdi Bayid Warsame Dhagayso

Cuqaasha Degmada Ceegaag ayaana Fariin Qaylo dhaan ah u Diray Jaaliyada Beesha Degmada Ceegaag iyo Ha,yada Samafalka ahba oo ugu Baaqay inay Gurmad Biyood oo deg deg ah la soo gaadhaan Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda oo aad loogu il daran yahay.

Cali dhagjar
Buuhoodle