Cabasho ku salysan aflagaado
loo geystay Suldaanka beesha Khaalid (Suldaan Siciid Cismaan
Cali)
(London, April
26,
2010 Ceegaag Online)
Ku: Garaad Abdillaahi
Garaad Soofe - Buhoodle
ku: Dhamaan Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Ahmed Garaad -
buuhoodle
Ujeedo: Cabasho ku salysan aflagaado loo geystay
Suldaanka beesha Khaalid (Suldaan Siciid Cismaan
Cali)
Sidaad la wada socotiin waxaa horaantii bisha Abril
2010ka-,Waxaa tuulada Buurowdal ka dhacday af-lagaado aan
waxba xeerin oo loo gaystay Suldaanka Khaalid, Suldaan
Siciid Cisman Cali iyada oo la adeegsaday warbaahinta.
Ragga fa-lagaadada gaystay, waxay sheegteen inay yihiin
isimo iyo cuqaal ka soo jeeda beesha Ahmed Garaad.
Waxaan aamminsanahay in Isimada iyo odayasha Dhulbahante
ay mudan yihiin qadarin iyo xushmo soo jireen ah oo aan
marna lagu xadgudbi karin . Tolkana waxaa laga sugayaa in ay
ilaaliyaan sharafta dadka caleema saartay isimada, iyagoo
dhowraya karaamadooda iyo sharaftoodaba.
Siday ahaan jirtay, haddii qabiil nin ka tirsani gef gaysto,
waxaa gacanta marin jiray oo ka gar bixi jiray raaska u ka
soo jeedo. Intaan la socono waxaad moodaa ilaa iminka in
raggii gafka gaystay jifiday ka soo jeedeen ee Ahmed Garaad
inayan ka damqan dhibaatada dhacday. Haddii la jideeyo
gefafka noocaas ah oo laga aamuso waa hubaal inay berina ay
soo noqon doonaan.
Waa
arrin ugub ah in markii ugu horeysay ay cuqaal iyo odayaal
rag sheeganayaa oo isku jifo ah oo ka soo jeeda beesha Ahmed
Garaad ay aflaagado cad isu bahaysteen iyagoo ka sii daayey
Warsidayaasha ah iyagoo aan xeerin xiriirka, tolnimada iyo
wada noolaashiha ka dhaxaysa Dhulbante. Arintaas oo aan u
aragno mid reebaysa cawaaqb xumo danbe iyo kala fogaasho.
Sidaa darted, haddii aan nahay Beesha Dudub Khaalid, waxaan
sugaynaa, jawaab cadna ka rabnaa, Isimada iyo Cuqaasha
beesha Ahmed Garaad, inay meel saraan sababta Suldaankayaga
warbaahinta loogu caayay iyo sababta isimada, odayaasha iyo
waxgaradka Ahmed Garaad uga hadliwaayeen gardarada baaxadaas
leh.
Haddii aanu nahay beesha Dudub khaalid waxaanan marna raali
ka noqnayn in la aflagaadeeyo isimo iyo waxgarad dhulbahante
ama soomaaliba.
Odayaasha Qurbajoogta Beesha Khaalid:
Abdirahman Said Awale (Gudoomiye)
Col. Mohamed Duacle Abdi
Prof:
Yusuf Mohamed
Xayd
Dr.
Mohamed-deq Diriye Gamdid
Dr
Cabdiwahaab Saed Awale
Al-Xaaji
Xasan Ibrahim Noor
Dr
Carab Axmed
Godane
Eng
Yusuf Adam Aar
Dr
Axmed Ciise Xusein
Rooble X Cali-Deeq
Maqaalkan waxaa nasoo gaadhsiiyay
Sooraan Diriye
onedeeq@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com |