Gaadiid u kiraysan WFP oo ku
xayiran magaalada laascaanood maalintii afraad.
(Laascaanod,
April 26,
2010 Ceegaag Online)
Magaalada
laascaanood waxaa maalintii afraad ku xayiran gaadiid u
kiraysan Hay'adda Cuntada adduunka ee marka magaceeda lasoo
gaabiyo loo yaqaano WFP Gaadiidkaas oo u rarnaa gobolada
dhexe ee soomaaliya ayaa ku xaniban magaalada laascaanood,
kadib markii koox dabley ahi ay ku afduubeen duleedka
magaalada tukaraq waxaana afduubkaasi kadib halkaa gaaray
ciidamada booliska magaalada garoowe oo iyagu shuftadaas
iska horimaad uu ku dhex maray deegaanka tukaraq hal qofna
ku dhintay midkalena uu ku dhaawacmay qaar ka tirsan
shuftadaasna oo lasoo qabqabtay.
Waxana hadana
soconaya dadaal xoogan oo loogu jiro sidii gaadiidkaas ugu
bixi lahaa magaalada laascaanood una gaadhi lahaa gobolada
dhexe ee soomaliya oo ay u Wadeen Mucaawimo ay ku deeqday
WFP si loo gaadhsiiyo dadka ku tabaalaysan gobolada dhexe ee
dalka.
Maaha markii
ugu horeysay oo ay gaadiid noocaas oo kale ahi oo u
kiraysnaa hayada WFP lagu xayiro magaalada laascaanood
iyagoo dareewaliintu ay cabasho ka muujinayaan safarkooda
dhanka amaanka, xilliga ay wadaan raashinka Mucaawimooyinka
oo ay weeraro kala kulmaan degaanada ay marayaan xilliga ay
safarka ku jiraan..
Cali Dhagjar
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |