Ganacsato Soomaaliyeed oo
heshiis hordhac ah la galay Ganacsato reer Turkey ah (Daawo).
(Istanbul,
April 28,
2010 Ceegaag Online)
Wafdigan
Ganacsatada Soomaalida ah oo dhawaan soo gaaray Dalka
Turkiga gaar ahaan Magaaalada İstanbul oo ah Caasimad
Dhaqameedka Wadamada Midowga Yurub 2010,ayaa waxay Shirar
iyo kulamo kala duwan la qaateen Qaar kamid ah Ururada
Ganacsiga iyo Shirkadaha Ganacsiga ugu waaweyn ee Dalka
Turkey-ga.
Shirkan ayaa
ahaa kii ugu balaarna ay kasoo qeybgalaan tiro Ganacsato
Soomaaliyeed oo danaynaya Maalgashi inay ku Sameeyaan
Turkiga, waxaa hadal gaaban ku furay kulanka Mr: Tomer
Taskin oo ah Madaxa Hay’ada Xiriirka Dhaqaalaha Dibada ee
Turkiga; ( Forien Economic Relation Board), Soo Dhaweyn ka
gadaal waxuu halkaasi laga aqriyay xiriirka weyn ee Labada
dal Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida iminka loogu Baahanyahay
in loo horumariyo Xiriirka ganacsi ee labada Wadan.
Waxa iyaguna
Dhankooda u hadlay wafdiga Soomaalida Gudoomiye ku xigeenka
labaad ee Rugta Ganacsiga Maamul gobleedka Puntland Mr.
Maxmed Caydiid jaamac oo isaguna ka Warbixiyay wax Qabadka
Rugta Ganacsıga Puntlan iyo Ganacsiga Soomaaliya halka uu
maraayo.
Ugu danbeyn
waxa Shirka ka hadlay Uqeybsanaha Arimaha Ganacsıga
Safaarada Soomaaliya ee Turkiga Mr. C/fatax Warsame Rooti
isaga oo xuasay wax yaabahii u hirgalay intii uu xafiiskani
furnaa sida uu isugu xiray Ganacsatada Soomaaliyeed iyo
Ganacsatada reer Turkiya, Mr. C.fatax waxuu ugu baaqay
Dhammaan Ganacsatada in ay ka ganacsan karaan Turkiga
Xafiiskooduna uu gacmo furan iyo niyad sami wax ula qaban
doono.
Gabagabadii
Ururada iyo Ganacsatada ayaa amaanay kaalinta xafiiska
ganacsiga iyo dadaalka weyn uu sameyaya uqeybsanaha
Ganacsiga Safaarada Soomaliya ee Turkiga, İyadoo ka qeyb
galayaasha Shirka ee labada wadan ay kala Saxiixdeen
heshiisyo hor udhac ah iyadoo Shirku kusoo gabagabooway
isfahan iyo wada shaqeyn.
Mukhtaar
Isaaq Yabarow
Istanbul-Turkey
webmaster@ceegaag.com |