Habeenkii Saado Ali Iyo
Minnesota
(Minnesota,
April 25,
2010 Ceegaag Online)
Waatuma
Saado Cali Warsame? Waa warbixinka hadlasa Taariikh
suugaaneedka fanaanada, waxaa soo diyaariyay Huruuse waxaana
soo tabinaya Khadar Maxamed Xaashi
Dhagayso
Waxaa lagu qabtay
Magaaladda Mnpls ee gobolka Minnesota. xaflad si fiican loo
qabanqaabiyay oo lagu sharfayay fanaanadda wadaniyadda Saado
Ali Warsame. oo ay bahda hablaha SSC iyo Dhamaan dumarka
kale ee Soomaaliyeed waji faraxsan iyo qalbi furan ugu soo
dhaweeyeen xafladdan.
Xafladdan oo ilaa 5 saac socotay ayaa waxay isla markiiba
buux dhaaftay meeshii loogu tago galay dadka. "ilayn gacal
isma ciriiryo" halkii ciyaaraha hiddaha iyo dhaqan si fiican
ay ugu boodeen gabdho iyo wiilal si fiican loogu soo
carbiyay.
WQaxaa halkaas lagu xusay fanaanada (saado) tariiqdeedii
iyo heesihii kala duwanaa oo ay horay ugu soo qaaday Uma
soomaaliyeed ku waas oo isu jiray jacayl iyo wadaniba.
Saado waxaa halkaas laga sheegay hadalo ku saabsan
tariiqdeeda,oo ay ka marag kaceen dad kala duwan oo ka mid
ah bulshada SSC-da iyo dadka kale ee Soomaaliyeed inay
tahay fanaanad wadaniyadda;
Saado ayaa iyaduna waxay ugu danbayntii ka hadashay xafladii
oo ay sheegtay inay jecelshahay inay Soomaaliya Afrika wax
la qaybsato, oo dagaalka iyo qabiilka iska iyo kala
qoqobnaanta la isaga baxo.
Saado ayaa waxay ku cadaysay hadalkeeda inay mar walba u
istaago dad waynaha. Saado waxay sheegtay inay horay isu
taagtay dadka kale ee Soomaalida oo ay heeso ka qaaday sida
ogadeenaya way xoroobe iyo dal qura.
fanaanada ayaa waxaa farxadan ku weheliyay caruurteed iyo
asxaabta kale ee ku dhaqan magaaladda ay dagan tahay oo
iyagu soo galbiyay.
Ka Daawo Sawirada Halkan Hoose
webmaster@ceegaag.com |