Nadwo ka socotay Misaajidka
garowe oo la soo gabo gabeeyey( Maxaa looga hadlayey maxaase
ka soo baxay)
(Garoowe,
April 22,
2010 Ceegaag Online)
Magaalada Garoowe ayaa lagu soo Gabo gabeeyey Nawdo ka
socotay misaajida magaalada Garoowe gaar ahaan Misaajidka
Alhudaa ee kuyaala bartamaha magaalada Garoowe. Nadwadan
waxaa ka soo qayb galay dhamaan Culumada diinta ee gobolada
Soomaaliya oo qaarkood ka kala yimid wadanka dibadiisa iyo
gudihiisa, waxaana kaloo nadwadaasi ka soo qayb galay Isimo
aqoonyahiin, siyaasiyiin iyo xubno ka socda golaha Wasiirada
dawlada Puntland oo misaajidkaasi nadwada ka socotay siwayn
uga soo qayb galay, nadwadaasi ayaa waxaa soo jeedinayey
culumada kala ah.
Sh Cali Warsame
Sh Maxamed Idiris
Sh C/naasi Xaaji axmed
Sh Cabdi fataax Nuur
Dr C/rashiid salaad
Sh Axmed Maxamed Saleebaan
Sh Axmed cabdi samad
Nadwadaasi ayaa looga hadlaya Xaalada haatan ka taagan
Soomaaliya iyo Dhibaatooyinka haysta dalalka Muslimiinta ah
Qaarkood waxaana sidoo kala lagu soo Qaaday nadwadaasi
taariikhda Diinta Islamka iyo dadaalka dheer ee loo soo
maray diinta islaamka oo maanta gaadhay halkii ugu saraysay
caalamka.
Dhinaca kale Waxaa nadwadaasi ayaa intii ay socotay lagu soo
Qaaday dagaalka ka soconaya magaalada muqdisho ee u dhaxeeya
kooxaha iska soo horjeeda ee sheegtay magacyada kala duwan,
Culumada ayaa dagaalkaasi ku tilmaaya mid ah Fidmo ah oo
lagu galayo Cadaab ilaahay hortiina looga fogaano.
Culumada ayaa soo Qaaday intii nadwadaasi ka socta Jihaadka
ay sheegtaa kooxaha muqdisho ku dagaalamay waxaana lagu
tilmaaya Qofii katirsan kooxahaasi ee dagaaladaasi ku
dhintay inuu galayo Naar iyo cadaab ilaahay hortiina ka
fogaanayo isagoo aanay banaanay inuu Qof Muslin ah isku
qarxiyo, ama uu dagaal kala horimaado waxaana loogu baaqay
kooxahaasi inay joojiyaan dagaalka iyo barakacay ka soconaya
magaala muqdisho.
Waxaa lagu soo Qaaday Nadwadaasi kaalinta burcadbadeedka iyo
Ciidama jooga biyaha somalia waxna loogu baaqay kooxahaasi
inay joojiyaan dagaalka ay ku wadaan maraakibta ganacsiga,
waxna kaloo loogu baaqay Ciidama jooga biyaha somalia inay
joojiyaan inay jilaabtaa khayraadka somalia si sharci daro
ah, Intii nadwadaasi ka socotay magaalada garowe ayaa
Idaacadaha ka howlgala garowe si toos ah ugu baahinayeen
guud ahaanba gobolada kale ee somalia.
Ugu danbaytii Misaajidka Wayn ee alhuda ayaa intii
nadwadaasi socotay Waxaa amaankiisa sugayey Ciidama amaanka
magalaada garoowe oo la soo dhoobay Wadooyinka gala
misaajidka alhuda, iyadoo baadhitaan xoogan ku Waday dadka
gala misaajidka iyo Kuwa ka baxayaba.
Alidhagjar
Ceegaag.com
Garoowe
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |