Roobab mahiigaan ah oo ka
Curtay Gobolada SSC iyo nawaaxiga hawdka Buuhoodle.
(Gobolada SSC,
April 21,
2010 Ceegaag Online)
Roobabkii guga ee Sanadka ayaa habeenimadii xalayto ilaa
maanta siwayn uga da,ayey guud ahaanba gobolada somalia gaar
ahaan gobolada SSC,oo xalay roobab mahiigaan ahi ku hooreen,
xili goboladaasi abaaro iyo biyo la,aan badani ay soo mareen.
Magaalada Buuhoodle ayaa wararka maanta naga soo gaadhay ku
soo waramayaa in Roobab xoogan magaaladaasi siwayn u
maasheeyeen oo guud ahaan baraagaha iyo Ceelasha biyaha
raxmaadku buux dhaafiyey dadka iyo duunyaduba aad ugu
diirsadeen, magaalada laascaanood iyo deegaano badan oo Hoos
yimaada ayaa raxmaadku xalay ku dhuftay cagta laguna
diirsaday, intastoo magaalada garoowe xalay lagu sigtay
kadib markii roobab mahiigaan ahi magaalada ku hooreen taasi
oo keentay in guud ahaan koronta garoowe la jaro.
Waxana kaloo roobabka maanta laga soo sheegayaa Guud ahaanba
Hawdka sare ee Buuhoodle oo raxmaadku xalay siwayn ugu
hooray Waxaana kamid ah magaalooyinka roobku helay.
Magaalada Qararo yar
magaalada Dandan
magaalada xamar lagu Xidh
magaalada aangalo
magaalada Heegaale
tuulada laanmaslay
magaalada Qudhac dhalaan
Dhinaca kale Roobabkani ayaa fatahaado ka gaystay degmada
Hurufadhi kadib markii baliga magaalada ku dhexyaala uu buux
dhaafsamay taasi oo keentay in biyo badani gudaha u soo
galaan suuqyada magaalada hurufadhi, degmooyinka Ceegaag
Widh Widh ayaa lagu soo waramayaa in Guud ahaan xareedo
Wadhan tahay, intastoo degmada Ceegaag Roobabku ku yar
yihiin, sida uu Ceegaag.com u sheegay Gudoomiyaha degmadaasi
C/ Xaaji Cali Cilmi oo taleefoonka Ceegaag iigu waramayey.
Cabdi Xaaji Cali (C/riigle)
ayaa
Ceegaag.com u sheegay in Guud ahaa nawaaxiga Degmada Ceegaag
roobab mahiigaan ahi ku dhaceen xareeduna ay Wadhan tahay
Deegaano Ceegaag hoos yimaado, dadka iyo duunyaduba ku
Diirsadeen
Cali Dhagjar
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |