Shil
baabuur oo sababay dhimashada 5 ruuxi iyo dhaawac 7 kale oo
ka dhacay magaalada Qartdho duleedkeeda
(Qardho,
April 08,
2010 Ceegaag Online)
Duleedka magaalada Qardho
ee Xarunta gobolkaasi Karkaar gaar ahaan inta u dhaxaysa
tuulada yaka,yaka ayaa saaka subaxnimadii hore wax ka dhacay
Shil baabuur oo ahaa shilkii ugu dhimashada iyo dhaawac
badnaa ee ka dhacay inta la og yahay deegaanada puntland in
mudo ah oo saaka duleedka magaalada Qardho ka dhacay.
Waxaa isbitalka weyn ee
magaalada qardho la soogaarsiiyay saaka dad kor u dhaafaya
13 Ruuxi oo 5 kamid ahi dhinteen halka Qaar kale lagu Wado
gar gaar deg deg ah sida uu maanta Ceegaag.com u sheegay
Agaasimaha Isbitaala Guud ee magaalada Qardho oo aan
taleefoonka magaaladaasi aan ku Helay.
Gaadhigani dadka farabadani ku dhintee ayaa saaka ka baxay
magaalada Garoowe waxna wadada isku heleen gaari xamuul ah
oo ka tagay magaalad Boosaaso oo ku soo Jeeday gobolada
dhexe ee somalia, kadiba waxa isku dhacay laba gaadhi taasi
oo sababtay dhimashada iyo dhaawac faraha badan ee labadaasi
gaadhi ka dhashay.
Magaalada Qardho ayaana maanta lagu Asay dhamaan dadkii ku
dhintay shilkaasi gaadhi oo loo sameeyey aas ay ka soo Qayb
galeen dhamaan laamaha bulshada Reer Qardho, shilalka
Wadooyinka ayaa todobaadkani ku soo kordhay mandaqada waxna
sabab looga dhigayaa arimahani Wadayaasha gawaadhida oo aan
lahayn khibradii darawalnimada.
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Garoowe
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |