Xuska maalinta malaariyada
Aduunka oo laga xusay gobolka Sool.
(Laascaanod,
April 25,
2010 Ceegaag Online)
Waxaa maanta
Hoolka jaamacadda Nugaal ee magaalada laascaanood lagu
Qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayey maalinta Duumada
aduunka oo maanta si weyn loga xusayo guud ahaan aduunka oo
idil waxaana xaflad si weyn loo agaasimay lagu Qabtay hoolka
shirarka jaamacadda Nugaal.
Waxaana
xafladaas kasoo qayb galay saraakiisha caafimaadka gobolka
sool oo ay ugu horeyso Ugaaso xasan cali oo ah madaxa
Hayada Caafimaadka aduunka WHO ee gobolka sool, madaxa bisha
cas ee gobolka sool axmed daakir,maayarka degmada
Laascaanood iyo masuuliyiin ka socotay Nugaal University,
dadweyne aad u fara badan oo xafladaas lagu casumay iyana.
Muhiimada
kulankaas ayaa waxaa uu ku saabsanaa wacyigelinta iyo sidii
looga hortagi lahaa Cudurka duumada oo fara ba'an ku Haya
dhamaan qaarada Afrika siiba dhulka soomalidu ay degto,
waxana kulanka lagu lafa guray qaabka ugu haboon ee la isaga
Kaashan karo sidii Cudurkaas loo xakamayn lahaa Nadaafada
gobolkana looga wada shaqayn lahaa loogana hortagi lahaa
Waxyaabaha keena Cudurkaas Duumada,
Ugu
danbayntii kasoo qayb galayaasha xafladaas ayaa isla qaatay
in Cudurka duumada meel looga soo wada jeesto fiditaankiisa
Iyo Xakamayntiisa Bulshadana laga wacyi geliyo waxyaabaha
keena Cudurkaas oo sanadkasta ku dilaya qaarada afrika
caruur Aad u fara badan....
Cali
Dhagjar
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |