Qarax Sababay Dhimasho oo
ka Dhacay Magaalada Burco
Wararka naga soo gaadhay Magaalada Burco ee Xarunta
Gobolkaasi Togdheer ayaa ku soo Waramaya in Xaafad kamid
ah Xaafadaha Magaalada Burco uu ka dhacay Qarax Xoogan oo
siwayn looga Maqlayey Guud ahaanba Magaalada Burco,
Qaraxani ayaana ka dhacay Goob ay ku Ciyaaraheen Qaarkamid
ah Carruurta Gobolkaasi kunool oo Xiligaasi goobtaasku ku
sugnaa.
Ugu yaraana Labo Ruuxi oo Walaalo ah oo Carruur ah ayaana
Qaraxaasi ku Dhintay Waxan Qaraxaasi yimid kadib Markii ay
Ku Ciyaareen Bunbo Gacmeed kuwa gacanta laga tuuro ah oo
ku Hoos jirtay Geed Xaafadooda kuyaala Xiligaasi kadibna
taasin Keentay inuu Qaraxaasi goobtaasi ka dhaco
khasaaraha Dhimashada ah Gaystay oo Dadwaynaha Reer Burco
aad uga Xumaadeen Qaraxaasi Tacsina u Diray Qoyskii
Carruurtaasi kaga Dhimatay.
Inta Badan Magaalada Burco iyo Guud ahaanba Gobolka
Togdheer ayaa Miinooyin iyo Qaraxyo Noocan oo kale ah ka
dhacaan iyagoona Gaystay Khasaare Dhimasho Dhaawac iyo Mid
Soo gaadhay Duunyada Gobolka Togdheer kunool, Waxana
Qaraxyadani sabab looga dhigayaa iyadoo Gobolka ay ku
aasan yihiin Miinooyin iyo Waxyaabaha Qarxa oo ka Hadhay
Hadhaagii Dagaaladii Gobolkaasi ka dhacay oo Wali Gpbolka
Miinooyin ku aasan yihiin......