Wararka laga helayo Magaalada Laascaanood ayaa ku
soo Waramaya in Guud ahaanba Gobolkaasi sool
haatan ay ka taagan tahay Biyo la,aan saamayn Wayn
ku yeelatay Nolosha Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada
Laascaanood iyo Xoolaha dhaqadata Deegaankaasi
Gobolka Sool oo haatan ay soo Food Saartay biyo
la,aantii ugu darnayd inta la Xasuusan yahay,
Waxan Kaloo Gobolka ka jira Xaaluf deegaanka soo
Foodsaaray dhinaca daaqa.
Gudaha Magaalada Laascaanood ayaana laga
Dareemayaa Qiimaha biyo Macaan oo gaadhay Halkii
ugu Waxana foostada biyaha Macaan gudaha Magaalada
Laascaanood lagu kala iibsanayaa Qiimo lacageed oo
gaadhay 7$ Doolar oo Somali ahaan 210 Shili
Somali, Waxana Biyaha Macaan laga soo Qaadaa
Deegaano ka fog fog Magaalada Laascaanood oo kala
ah Kala Baydh Xudun iyo Deegaano kala oo Gaadiidku
ka soo Qaadaan biyaha Macaan.
Guud ahaanba Gobolka Sool iyo Deegaano badan oo
katirsan Mandaqada SSC Ayaa Waxaa Xiligan soo food
saartay biyo la,aan iyo Xaaluf dhinaca Deegaanka
ah, iyadoona sabab looga dhigayo Roobabkii dayrta
ee sanadka oo aan si Wanaagsan Gobolka uga Curan
isla Markaana haatan Abaartu soo Wajahday Guud
ahaan Gobol badan oo katirsan Somalia.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle