Siminaar boqolaal dhalinyaro looga wacyi gelinayay fikradaha
qaldan laguna baraarujinayay dhaqanka suuban oo maanta
Muqdisho lagu qabtay
(Muqdisho,
December 12,
2010 Ceegaag Online)
Siminaar ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen
Mas'uuliyiin, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo Culumaa'udiin
ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo
siminaarkan loo qabtay boqolaal dhalinyaro oo ka socday
degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo ku saabnsaaa sidii
fikradaha qaldan ee dalka la soo geliyay looga wacyi gelin
lahaa, isla markaana lagu baraarujinayay dhaqanka suuban.
Hey'adda Wada Hadalka Bulshada ee marka magaceeda la soo
gaabiyo loo yaqaano CCD oo siminaarkan soo qaban qaabisay
ayaa ajandayaasha siminaarka oo ka koobnaa ilaa todobo qodob,
kuna wajahnaa xaalada dalka uu ku sugan yahay, gaar ahaan
dhalinyarada iyo afkaara qaldan ee lagu marin habaabiyo iyo
ka qeyb qaadashada colaadaha iyo dagaalada la diimeeyay.
Siminaarka oo uu ugu horeyn furay Xildhibaan Xuseen Caraale
Caddaan ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hey'adda CCD
kaalinta ay bulshada uga qeyb qaadato horumarinta iyo wacyi
gelinta, isagoo ku dhiira geliyay sii wadida howsha ay
bulshada u heyso.
Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa sheegay in jiilka hada soo
garaya ay yihiin kuwola marin habaabiyay, isla markaana ay
wanaagsan tahay in tubta toosan lagu hogaansho, isagoo xusay
in hada dhinaca dhalinyarada laga soo galay, loona
adeegsanayo hurinta colaadaha.
"Bam la tuuray iyo qarax la dhigo midna qaran laguma noqdo,
yaan dhalinyarada lagu adeeganine ee cidii madaxnimo rabto
umada ha hor timaado, dhalinyarada waxaa uga digayaa
fikradaha qaldan ee lagu shubayo ee la leeyahay jihaad ayaa
galeysiin ee haka digtoonaadeen"ayuu yiri Xildhibaanka oo
ugu baaqay waalidiinta in caruurtooda ay wadada toosan ku
hogaamiyaan.
Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow oo isna goobta ka hadlay
siminaarka ayaa tix gabay oo ka hadleysa dhalinyarada goobta
ka jeediyay, isagoo faray dhalinyarada inay wax bartaan ayna
iska diidaan waxa uu ugu yeeray fikradaha qaloocan ee laga
soo safriyay dalalka shisheeye.
Wakiilka Iimaamka Axmed Cabdulle Maxamuud ayaa sheegay in
dagaalka hada laga soo galay dhinaca dhaqanka, isla markaana
la doonayo in lagu marin habaabiyo dhalinyarada, iyo ardayda
wax baraneysa.
"Dhaqanka waxaa uu asal u ahaa bulshada, hada dhaqankii ayaa
la miinguuriyay, oo dhaqamo kale lagu badalay, waxaa
dhalinyaroy la idinka rabaa inaad wax barataan, aadka
noqotaan kuwii berri dalkan hogaamin lahaa, gacmihiina oo
dhiig leh inaadan dalkiina ku bur burin"ayuu yiri Wakiilka
Iimaamka.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Nabadoon Khaalid Cabdi
Jimcaale oo xusay in dhaqankii la baabi'iyay, isla markaana
ay dhalinyarada ay xaabo u noqdeen dabka hada ka holcaya
dalka, isagoo ugu baaqay dhalinyarada inay dalkooda u
horseedaan nabada iyo xasilooni.
Ugu dambeyn waxaa siminaarka soo xeray Xildhibaan Salaad
Cali Jeelle oo sheegay in siminaarada ceynkan oo kale ah ay
muhiimad u tahay is dhex galka dhalinyarada, iyo sidii
dhalinyarada ay uga fogaan lahaayeen dagaalada ay ku lug
leeyihiin.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dhalinyarada lagu shubay
fikrado laga keenay Afganistaan iyo dalal kale, waxaana uu
ugu baaqay Hey'adda CCD inay sii badiso siminaarada lagu
wacyi gelinayo dhalinyarada.
Siminaarka ayaa dhalinyaradoo ka qeyb galay ay ahaayeen kuwo
fikrado kala duwan ku soo bandhigayay xaalada dalka iyagoo
dhalinyarada dalbaday inay doonayaan inay helaan waxbarsho
lacag la'aan ah, wacyi gelin iyo in dhalinyarada la mideeyo
si aanay looga faa'ideysan in dagaalka lagu huriyo.
Daawo
Sawiradii Siminaarka
Xigasho:Somaliwayn
webmaster@ceegaag.com |