Maalintii Maxkamada la hor keenay Ninkii
Gabdhaha Reer Hargeysa Fara Xumeeyay maxa Dhacay? Waa
maxayna Sababta Dhabta ah ee Xukuumadu uga War Wareegeyso
Maxkamadeynta Ninkani?
Ninkan oo lagu Magacaabo
Guntar Bischoss,
Ayaa Falal fool xun isla markaana ka baxsan Diinta
islaamka kula kacay Gabdho Reer Hargeysa ah, isaga oo
Aflaam Faaxisho ah iyo sawiro qaaqaawan ka duubay
hablahaasi iyo isaga oo ka Sineeysanaya. Wararku waxa ay
intaasi ku darayaan in ninkani intii uu Hagreisa joogay
arintani uu ku jiray isla markaana sawiro badan Computer-kiisa
laga helay.
Arintan markii ugu horeeysay waxaa soo
ogaaday Qaar ka mid ah Culima awdiinka magaalada Hargeysa,
waxa ayna u gudbiyeen laanta Dambi baadhista Somaliland,
sidaasi ayaanay ku soo shaac baxday.
Dadka ku dhaqan Hargeysa ayaa dareen kala
duwan ka muujiyay arintani, marka aad dhex marto magaalada
Hagreysa Gaar Ahaan goobaha dadku ay isugu yimaadaan ayaa
qaar dadkaasi ka mid ah kuu sheegayaan in ninkani Gaalka
ahi Falka uu ku kacay uu yahay mid ka baxsan shareecada
islaamka isla markaana Xukuumadu talaabo shariciga
waafaqsan ka qaado, qaar waxa ay ku odhanayaan waa in la
dilo, halka qaar kalena ay soo jeedinayaan in xabsi daa'in
lagu xukumo.
Hadaba Culimo Aw-diinka Magaalada Hagreysa
ayaa dareen cadho leh ka muujiyay Arintani, Sheekha Caanka
Ah ee lagu magacaabo
Sh. Maxamed Heybe,
ayaa Arintani walaac xoog leh ka muujiyay isla markaana
Eedeyn kulul u soo jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,
isagoo Sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ay
xukuumadu ka war wareegeyso Maxkamadeynta Ninkani Sheekha
oo hadalkiisa sii wato ayaa yidhi `Walalayaal
ma aha wax la iiga waramay ee waxaan ka mid ahaa dadkii
Maxkamada Joogay xiligii ay socotay Dhageysiga dacawadaasi
isla markaana Daawaday Filim-ka maxkamada horteeda lagu
soo bandhigay, iyo Mujrimkan waxa uu sameeyay, Runtii waad
jiriricooneysaa indhahana ma siin kartid ninkaasi waxa uu
ku sameeyay Gabdhaheenii, Meeday islaamnimadeena? meeday
Qiiradii ilahey inagu abuuray? Xukuumadu dadkeeda iyadaa
ka mas`uul ah waa in ay ka damqato falkani Ninkanna
Sharciga mariso,
Sidoo kale dadka Ree Hargeysa Waxa ay
Dareen Cadho leh ka muujiyeen Hadalkii ka soo yeedhay Dr.
Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Arimaha Gudaha
Soomaliland, Isagoo Sheegay ninkan in uu Xidid la yahay
mid ka mid ah qabaail-ka degan Hargeysa isla markaana
Dadku Is dejiyaan, Arintuna ay gacanta ku hayaan
baadhitankeed.
Hadaba Ninkani Waa Nin Ceynkee Ah?
Ninkan waxaa lagu Magacaabaa
Guntar Bischoss,
Tan iyo Sagaashanaadkii Dhowr jeer Ayuu yimi Hargeysa
1999-kii waxa uu u Shaqeeynayay Hay`ad la Odhan jiray GTZ.
Sanadku markii uu Ahaa 2000 Ayaa Falal
Noocan oo kale ah lagu Tuhmay, hasa yeeshee Madaxweynihii
Hore Ee Somaliland
Maxamed Ibrahim Cigaal
ayaa ciidamada Amaanka amar ku siiyay in ninkan Wadanka
ka musaafuriyaan isla markaana wax Documents’ ah aanu
wadanka kala bixin, Nasiib Wanaag isaga oo Xafiiskiisa
Dhex jooga ayaa inta ay Ciidamadu Amaanka Dhegta Soo
qabteen Diyaarada ku tureen isaga oo Xidhan uun
Dharkiisii uu ku soo shaqo Tagay oo qudha
Mr. Bischoss,
intaasi kuma uusan joogin markii is bedelku ka dhacay
Somaliland ee uu geeriyooday Cigaal, ayuu hadana Dalka Dib
ugu soo noqday isaga markaasi Degay Magaalada Boorama,
2007-dii ayuu dib ugu soo noqday Magaalada Hargeysa.
2008-kii ayaa waxa uu guursaday Gabadh Ree
Hargeysa ah, hase yeeshee mudo Afar bilood ah markii uu
qabay ayay kala tageen, Sidoo kale xiligaasi waxa uu
sheegtay in uu qaatay Diinta islaamka, waxaa mararka qaar
dhici jirtay in misaajidada lagu dhex Arko isaga oo
tukanaya, isla sanadkaasi waxa uu mar labaad guursaday
gabadh kale oo Ree Hargeysa ah, halka warar kale ay
sheegayaan in gabdhaha uu qabay intaasi ka badnaayeen hasa
yeeshee lama xaqiijin.
Warar lagu kalsnoonyahay ayaa waxa ay
sheegayaan in ninkan Gaalka ahi aanu kaligii howsha ku
jirin hase yeeshee Dumar iyo rag kale howsha u fududeeyeen
oo hotelka loogu keeni jiray gabadha uu doono, Sidoo kale
waxaa wax laga xumaado ahi in Camarada uu kaga duubayay
Arintani hablaha Soomaaliyeed ay ahayd Camaradaha yar yar
e Digital-ka, Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in
Gabdhahaasi markii Ficilkani lagu sameeynayay aanay waxba
ka ogeyn in Filim laga duubayo
Maalintii Maxkamada la hor keenay Mr. Bischoss maxa Dhacay?
Waa maxayna Sababta Dhabta ah ee Xukuumadu uga War
Wareegeyso in Ay Go`aan ka qaadato Ninkani?
Waxaa Xusid mudan ninkani Maxakamadeyntiisu
in aanay ilaa iyo imika suurta Galin Dhowr jeerna dib loo
dhigay, Sidoo kale maalintii ugu horeeeysay ee maxkamada
la keenay waxaa uu ka hor sheegay isagoo Si kibir ah u
hadlaya in Arintani uu sameeyay ku qanacsanyahay mar
hadii aanu Cidi qasbin oo ay gabdhuhu raali ka ahaayeen
lacag fara bandanna uu siiyay , isla markaana wax dambi ah
aanu galin mar hadii Somaliland Lagaga Dhaqmo Nidaamka
Dimuqraadiyada, Waxa uu intaasi ku daray
Mr. Bischoss,
in Hadii la xukumo ama la daadifeeyo uu War bixin dheer ka
qori doono Xukuumada Soomaliland waxa aana u gudbin doono
buu yidhi Dowladeyda Germany, iyo dowladaha Caalamiga,
Taasi oo aan ku cadeyn doono in soomaliland aanay ka jirin
Wax Dimuqraadiyad ah, isla markaana ay ka been sheegayaan
lacagaha ay ku qaataan Hurumarinta Dimuqraadiyada,
Hadalkani uu meesha ka sheegay waxa ay Cabsi Xoog leh ku
abuurtay Xukuumada Somaliland taas ayaana keentay in ilaa
iyo imika wax go`aan ah ka qaadanin.
Isku soo wada duu duuboo Xukuumada
Soomaliland waxaa horyaala laba Daran mid dooro, waa mida
koowaade hadii ninkan xukun ku haboon ku Rido waxaa meesha
ka baxeeysa wixii xukuumada ku faani jirtay ee ay odhan
jireen Dimuqraadiyad ayaa ka jirta Somaliland, Mida
labaad hadii ay sii deeyso ama ay mustaafuriso waxaa
meesha ka baxeeysa kalsoonidii Shacabka ay ka haaysatay
Xukuumadu, sidoo kale waxa ay Abuuri kartaa Qalaalaso
mustaqbalkana Fowdo ka abuura Mandiqada, waayo waxaynu ka
war qabnaa in Maalmihii ugu dambeeyay ururka
Al-Shabaab
Ka
hadleen Arintan isla markaana Hanjabaadana u soo jeediyeen
Xukuumada Somaliland Sida lagu daabacay qaar ka mid ah War
baahinta Sida, Somalimemo iyo kuwa kale.
www.ceegaag.com