Weerar
lagu Qaadayo Ciidamada Amaanka Boosaaso oo sii xoogaystay
iyo askar maanta lagu toogtay Boosaaso
(Boosaaso,
July 25,
2010 Ceegaag Online)
Wararka Maanta laga helayo
Magaalada Boosaaso ayaa ku soo Waramaya in Weerar toogasho
ah lagu Qaaday askar katirsan Ciidanka dawlada Hoose ee
magaalada Boosaaso oo Xiligii Weerarku dhacayey ku sugnaa
Suuqa wayn ee magaalada Boosaaso iyagoona waday howlo
Cashuur aruurinya xiligaasi dilalka toogashada loo gaystay.
Waxana Weerarkaasi lagu dilay 2 Ruux halka Qaar kalena lagu
dhaawacay, weerarkaasi maanta oo ka dhacay gudaha magaalada
Boosaaso maalint Cad, lama oga Cida ka danbaysay Dilkaasi
askarta katirsan Ciidanka Dawlada hoose ee magaalada
Boosaaso oo shaqo xiligaasi ku jiray.
Mudooyinkaba Magaalada Boosaaso waxa ka socday Weerar lagu
Qaadayo Ciidanka Amaanka magaalada boosaaso oo tiro badan
lagu gumaaday Qaraxyo iyo dilala Qorshaysan oo ka dhacay
magaalada boosaaso, Ciidamada Amaanka gobolkaasi bari ayaa
dhinacooda Wado hawl galo Amaanka wax looga Qabanayo oo lagu
raad joogo Kooxaha falalkaasi amaandarada ka Wado gudaha
magaalada boosaaso.
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |