Somaliland iyo Samirka Gabooyaha
(Hargaysa,
July 29,
2010 Ceegaag Online)
Waxaa mahad leh Allaha maamulka koonkani gacantiisa ku
jirto,marka ugu horaysa waxaan hambalyo u soo jeedinayaa
dhammaan shacbiga soomalilad hambalyadaas oo ku aadan sida
ay mar walba nabada mudnaanta u siiyaan ka soo bilow shirkii
Boorame waana wax mudan in lagaga daydo,Shayga nabada la
yiraahdo waxay ka abuurantaa ama aasaas u ah mujtamaca oo
garta faraqa u dhexeeya iyada iyo nabad darada,ama haddii
aan si kale u iraahdo marka mujtamacu mahadin waayo wanaaga
nabada waxa yimaada oo qof walbi og yahay.
Soomaalida ayaa ku maahmaahda (ninba meesha bugtaa isagay
belbeshaa).Sidaan wada ognahay halganka ama sidii ay ku
abuurantay Somaliland waxaa sal u ahaa qaybo mujtamaca
waqooyiga ka mid ah oo cadaalad daro iyo takoor ka
tirsanaayey maamul jira.waa suuragaleen waxii loo
halgamaayey oo ahay in cadaalad daradu ay la joojiyo,waa
cadahay ama waa og yahay qofka cadaalad darada lagu sameeyey
xannuunka ay leedahay waana waajib inuu ka fogaado cadaalad
daro inuu sameeyo .Haddii aan aan ararta ka hadho oo oo
dulucda sheekadayda u soo gunda dego.waan ognahay somaliland
markii ay ku dhawaaqday gooni isu taaga iyo halganka loogu
jiro Ictiraaf ama aqoonsi, waan ognahay sida hadba doc wax
ugu faruurmaan, ma garano waxa meesha ku jiraa inuu yahay
dulmigii aan ka dagaalanay oo aan ku hayno qaybo mujtamaca
ka mid ah.
Gabooyahu waa mujtamaca la wada og yahay xaalada ay kaga
nool yahiin gebi ahaan geyiga soomaalida gaar ahaan
soomaaliland, waxay degaan dhammaan gobolada soomaalilad waa
muwaadiniin ka qatan waxii ay ula sinaayeen dhammaan
muwaadiniinta soomaali land sida waxbarashada, Cadaalada,
Shaqada iyo dhammaan waxyaabaha nolosha aasaaska u ah,
waxaan soo xasuustay qoraal aan waqti hore meel ku arkay
kaas oo ahaa hayada la yiraahdo(Habitat) oo ah hayad guryo u
dhista dadka jilicasan mashaariic ay hargeysa ka dhisaysay
qaabkii uu ahaa guri uu helay muwaadinka gabooyaha ahi
marka la barbar dhigo kii kale ee uu helay muwaadinka Isaaqa
ama Gudabiirsigu.Caana beeshadu markii ay halkaas gaarto
waxii ka dambeeyaa sow ceeb iyo fadeexad ma aha,Dadka wada
mashaariicda noocaas oo kale ahi waa inay ka feejignaadaan
sumcad xumada ay u keenayaan maamulad jira. waxay ahayd sheeko
adduunka debed iyo gudo ku faaftay gaartayna hayadaha
xaquuqda bini'aadanka.Siday noqon karaa horumarka laga filan
karo meel dulmigaasi yaal.
Mudadii daahir riyaale iyo kuwii ka horeeyey arinta
gabooyahu waxay ahayd mid aan cidina xil iska saarin ma
dhehaayo Siilaanyo ayaa ka fiicnaan doona balse waa Allaha
awooda leh ka wax bebedalaa Raxmadiisana lagama quusto.
Haddii la rabo wanaag waa in muwaadiniintu la simo,marka
cadaaladi timaado wax walbi iyagaa is furfuraaya Insha allah,
Gabooyahu ma laha cid ugu jirta golayaasha somaaliland oo ay
iyagu doorteen, mana jiro degaan ay ka yahiin dadka ugu
tirada badan(majority) markaa waa adagtahay inay codkooda
wax ku helaan, markaa waa in dawlada cusub ee la dhisaayo
dadkani ka helaan Koonto ama wax loo qorsheeyey kuwaas aan
tartatan gelin sida degmooyinka gobolada xataa heer
tuulo.waxaa kaloo jira waa in xukuumada cusubi ogaato inaan
gabooyahu hal reer ahayn uu yahay reero isu tegay kuna kala
qaybsan dhammaan gobolada somaaliland waa uga digayaa inay
shaqsiyaad wax ka maqasho macna ma laha meeshay ay degan
yahiin. Dawladi waa tii ugu dhibaatooyinka badanayd marka la
eego waqtiga ay xilka qabatay markaa waa inay ka fogaato
inay abuurto aagag cusub oo colaadi kaga timaado.
Markii ay rabto inay arimaha gabooyaha cid kala hadasho waa
inay u dhan yihiin inta magacani mideeyo oo ah Muuse
dheriyo,Madhibaan,Maxaad Bare, Tumaalo iyo yibro.waa
rejaynayaa in taladani noqoto mid u furan dhegaha
madaxweynaha la doortay oo aan hubo inuu yahay nin
soomaalida iyo gabooyahaba aqoon fiican u leh aana ku og
ahay inuu khibrad u leeyahay xalinta dhibaatooyinka
yimaada.waxaan filayaa inuu wajaho ama uu ka shaqeeyo sidii
uu cadaalad daradan sidii ay u soo af jarmi lahayd isagoo la
kaashanaaya dadka nadiifta ah iyo inta ka xun in dulmigani
ka sii dhex jiro mujtamaca soomaalilad oo ah mid wax wada
qabsada.waa inuu ka faa'iidaysto dadka uu kow ka yahay
Abwaanka soomaaliyeed ee Hadraawi oo ah shaqsi ay u muuqato
meesha wax ku socdaan haddii aan wax laga bedelin sida wax
ku socdaan.
Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa waa in gabooyahu si wada
jir ah xaqooda ugu soo istaagaan abuuraana gudi mideeya
dhammaan qaybaha gabooyahu si xalku u sahlanaado .ugu
dambayn arinta gabooyahu waa dhibaato adduunka hadda laga
wada og yahay waana aalad ay adeegsan karo cidii rabta inay
mujtamaca soomaaliland kala furfurto.
Ha loo wada istaago sidii cadaalad darada loo soo af jari
lahaa .
wabilaahi tawfiiq
waa qalinkii Cimraan Hussein
wadanka maraykanka
webmaster@ceegaag.com |