shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 !! TACSI KU SOCOTA AQOONTII!!

 (Soomaaliya,  July 06,  2010 Ceegaag Online)

Hordhac

Waxa beryahan dhegahayga ku soo dhacayey oo mareegaha warbaahinta sheegta ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) qaarkeed caadaysteen ama meel marinteeda isku hawleen in ay dadka qaar ku naaxiyaan ereyo ladhis ah. Warbaahinta qaarkeedna si gaar ayayba dadka jecel in loogu yeedho wax aysan ahayn u naas nuujiyaan oo iyagu waxay is raaciyeen sawir iyo ereygii ladhista ahaa. Waxa iyana warbaahintu caado ka dhigatay in ay dad ku sheegto ereyo “Academic” ah oo laga yaabo in aanay macneheeda aqoon sida “Doctor”, “Professor” iyo kuwa “Military” sida Colonel iyo General. Waxa taa ka sii yaab badan yaqyaqsi darada dadka ereyadan lebista ama loo lebiso. Sababta oo ah, weli lama arag qof koofiyadaas la saaray ama dirayskaas loo geliyey oo ka dacwoonaya oo leh war anigu waxan aad igu sheegaysaan ama ladhista iyo koolkoolintan beenta ah uma baahni, kalsooni baan isku qabaa, waxan aad ugu dhoobdhoobaysaana aniga oo aan ahayn baan iskala sareeyaa, e iga daaya.

Ereyadan qiima kordhinta loogu tala galay, waxay i xasuusiyeen alla haw naxariistee dacaayadii madax weynihii hore ee dalka “Uganda” mudane Ciidi Amiin, markii uu lebistey “Field Marshal” aanu geed uga soo laaban. Waxay taasi daliil u ahayd kalsooni darro, dadnimo xumo, cuqdad iyo daciifnimo shakhsiyadiisa ku dahaadhnayd. Magacan maqaarsaarka ah wuxuu islahaa bal cadowga isugu humbul oo wax belo ka dhacday ha ku moodeen, oo yay kugu soo dheerayn. Waxaana garashadiisu siisay, ama baqdin bay kaaga waaban oo kugu qaderin ama xiddigahan iyo xadhkahan quruxda badan baa indha daraandar ku ridaya oo nin aqoon ciidan meel soo dhigay bay ku moodi. Taasina waxay dhalindoontaa, ixtraam iyo xaqdhawr iyo dadka oo aad kasbato. Laakiin isma ogayne, cadowgiisa wuxu tusay, in uu madhan yahay.

Isla waayadaas waxan xasuustaa iyada oo ay suuqa ku jirto in Mohamed Siyaad Barre alla ha u naxariistee, barlamaankii mise xisbigii ku yiri: Jaalle qaado derejo taa Ciidi Amiin u dhiganta oo aanu kasban. Waxaana la odhan jirey wuxu yiri: war aniga ma Ciidi Amiin baad i moodeen, isaga oo muujinayey, in derejada loo dusinayey isna uu gartay. Isla markaa, dadkii u duurxulayey ama waxanu ahayn ku rarayey, wuxu tusay, in uu kalsooni isku qabey oo uusan u baahnayn ceebna ay ku tahay in uu xidho ama lagu sheego wax uusan ahayn.

Hadaba, waxa maqaalkan igu kalifey, dareen iyo guux dadweynaha Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) dhexdiisa ku jira, kuwaas oo ka cabanaya arrimahan aan kor ku soo taabtay kuwa u eg, oo waagii hore ahaa wax laga xarragoodo, iminkana noqday wax lagu xarragoodo.

Markii arrintan loo dhabagalay waxa soo if baxay in ay ka dambeeyaan rag aqoonyahan iyo siyaasiyiin lagu tuhmayo oo iyagu waxan ku hogaaminaya in ay gadaal kaga faaiidaystaan. Raggaasi sida falalkooda ka muuqata waxay aaminsan yihiin in ay iyaguna yihiin aqoonyahanka guud ama siyaasiga guud ee beesha. Waxay kale oo qabaan, in wixii aan iyaga ka soo fulini yihiin cindiid roob ka curtay. Waxayna aaminsan yihiin in qolada is humbulka u baahani ay jidka  u sii jilicin doonto, ka dibna ay iyaga oo asal ah, magacii markii hore qolada beenta isla humbusha lagu shaqlay oo run ahna wata ay banaanka u soo bixidoonaan Waxa ka daran oo ay belo ku dhigeen qolada dambe, waxay isu haystaan in ay dhuukiska iyo dhalanrogga habaar ku qabaan oo aan marnaba la dareemi karin. Sabatuna waxa weeye sida la sheegay, aqoontii guud iyo siyaasaddii guud baa meel wada galay oo iyaga la gudoonsiiyey, say qabaana waa hibo qiyaastooda iyaga u gaara.

Hordhacaas yar ka dib, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: geelu hadduu labada dambe ka habeediyo waa ged uu lahaan jirey, laakiin hadduu labada hore ka habeediyo waa ged uu la soo baxay. Hadaba, qoraalkan waxan ku soo bandhigayaa haddii alle yiraahdo: (a) tusaaleyaal muuqaal ah oo makhluuqa kale aan ka soo qaaday oo inkaga filan qolada hore ee waxa beenta ah lebista iyo (b) kuwaa dhigooda oo ina tusaya qolada labaad iyo nafkleyda ay u dhigmaan oo ay hab-dhaqankooda ka eegteen.

Hadaba, dadkan sidii dhiilihii iyo satiyadii waagii hore jecel in kun aleelood lagu dhejiyo oo derejooyinka aysan lahayn sheegtaa, waxay aad isugu egyihiin bahal qaaradda Ustraaliya ku nool oo amuurka ama geel ka cabaadista le’eg sida sawirada uu caadiga yahay ka muuqata. Bahalkaasi wuxuu ku nool yahay dhul khatar ah oo bahala badan, oo korna haad ka ilaashanayo, hoosna naasley yar yar iyo bahala hoose raadkiisa ku joogaan.

 

Meesha khatarta ah oo uu ku nool yahay waxa u dheer, in uu ka mid yahay nafleeda beya’daas kula nool kuwa ugu itaalka yar sida ku cad sawirada uu caadiga yahay. Laakiin marka uu baqdin dareemo ama rabo in uu wax korodhsado oo wax uusan shaqaysan helo,  afarta talaabo oo hoos ku xusan ayuu qaadaa:

1)      Wuxu isku taaga lugaha dambe si uu u dheeraado, isla markaa wuxuu kala bixiyaa harag qoortiisa ku yaal si looga haybaysto ama looga boqo (sawirka uu doctorka yahay).

2)      Hadduu arko in beladii ka leexan weydey ama wixii uu rabey loo ogolaan waayo wuxu cidhba-taagsiga iyo balaadhinta haragga ku daraa, ci’ iyo bood bood faataadhuglayn ah oo uu iska dhigayo sidii wax xagga cadowga u boodaya.

3)      Haddii taasi celin weydo cidii soo weerartay ama la sin waayo wixii uu rabey , inta dib u faagto buu dabada dhulka sida shaabuugga ula dhacaa, sida ku cad labada (sawir ee doctorka iyo Generalka) aynu ka soo qaadnay.

4)      Laakiin haddii taasi shaqayn weydo oo cadowgu yahay mid riwaayadda hore u arkay ama aan dan kalahayn oo weli lagu soo socdo, inta afarta adinba dhulka dhigto, haraggii qoortana laalaabto ayuu yiraahdaa “Doctor iyo General” dabaday ka banaanka. Waxaana xigta in uu jeesto oo cagaha wax ka dayo, isaga oo leh baalkayow i bixi, wuxuuna ku eertaa geedka markaa ugu dhow oo dhakadiisa u baxaa (sawirka u dambeeya).  

Intaa haddaan ku dhaafo qoladii jeclayd ama ku raaxaysanaysey in wax aysan ahayn lagu sheego. Waxan iyana tusaale kooban idinka siinayaa, qolada ka dambaysa oo mashaariicda u dejisa, kuwaas oo aan iyagana ku muujinayno waxa ay yihiin, tusaale aynu ka soo qaadano nafleyda ay socodkeeda iyo saan saankeeda leeyihiin.

 

Waagii hore, hooyooyinka soomaaliyeed ilaahay dhamaantood janada ha geeyee, waxa caado u ahayd in ay ilmahooda ay isleeyihiin waxbaa ka si ah, magaca loogu wanqalay ay ugu daraan magacyo ladhis ah oo markaas hooyooyinku ay ama foolxumo ka bilayaan ama fulenimo ama doqoniino iyo wax yaalo kale. Magacyadaas ladhista ahí waxay dhamaantood salka ku hayeen oo dhaliya kalsoonida hooyada.

 

Hadaba, maanta sida muuqata, dhaqankaas waxa bedeley oo beryahan socda dad wixii ladhis iyo koolkoolin jirey oo dhan sidii loo odhan jirey “kufuu’an axad” baa quraanka oo dhan isku fuuqsatay iyagu isku fuuqsaday oo isticmaala ereyga “GUUD”, si aan markaa waxba uga baxsan oo iyagu isyiri haadaad kunciil tiraahdaan waa geesinimo keliya oo sifaadkii kale oo dhami waa maqan yihiin, markaa si aad wax walba u hesho israaci “Title” iyo GUUD. Sidaan horeba u soo sheegay xanuunkaa waxaynu beryahan ku arkayney qaar ka mida kuwa sheegta warbaahinta SSC oo iyagu dadka qaar meel walba shaqal kaga xidhay. Waxanse ka digayaa, kuwa aynu aragnay waxa ku xigi doonaa oo soo socda kuwo kale oo badan oo aan saansaankoodii arko oo kuwani ka mid yihiin: Doctorka Guud, Professorka Guud, injineerka Guud, Aqoonyahanka guud, Fanaanka Guud, Caaqilka Guud, Abwaanka Guud, Siyaasiga Guud iwm.

 

Hadaba, sida ii muuqata waxa u soo horeeya oo hadda hawsheedii lagu jira tan u dambaysa ama siyaasiga guud, taas oo labo ku noqondoonta middii aynu hore u soo tibaaxnay. Laakiin waxa dhibaato ka taagan tahay, waxa la yiri: saddex ma heshiiso (1) nin qabweyn iyo nin aan u qabin (2) nin quud jecel iyo nin aan u quudhin (3) nin qosol badan iyo nin qoonsimaad badan. Waxan uga socdaa, siyaasiga guud ee soo guuxayaa dadka uu rabo in uu magacaas u sheegto ama ku hogaamiyo 99% waxay u arkaan in uu  la mid yahay: Kabti wiilahaà hadaba, kabti wiiluhu haadkana duulimaad kuma gaadho, haanraawahana durduro kuma gaadho. Wuxuuna xaal aduun kaga toosaa xilliga abaarta oo uu dooxooyinka ka qayliyo oo yiraahdo daadwararc, daadwararac, daadwararac, daadwararac, waxaana run mooda oo dooxada dhenkeeda sare ka eega in biyo ka soo socdaan carruurta harraadan iyo dadka Sufahada ah.

 

Waxaynu kale oo odhan karnaa siyaasiga guud ee soo guuxayaa wuxuu tabaha ka eegtay bahalka roorka ama jirjiroolaha ama geeldhugeeyaha loo yaqaan. Bahalkaa uu siyaasiga guud hab dhaqanka ka soo qaatay waxa ilaahay ku mannaystay afar sifo oo u gaar ah: 

(a)    Waa marka hore e waxaan cidina kula tartami karin waxa la yiraahdo dhalan rogga ama meesha uu ku sugan yahay oo uu isu ekaysiiyo, si aan cadowgu u dareemin, cidda uu gaadayaana uga digniin helin (sawirada, A iyo B).

(b)   Waa marka labaade, wuxuu ka mid yahay nafleyda kuwa ugu gaabiya, hadduusanba ahayn kan ugu gaabiya. Taasina waxay u fududaysaa oo aad ugu sahashaa in aan marnaba la dereemin in uu meesha ku jiro. Waayo hadduu dhalan rog iyo dheerayn isku darsan lahaa, midhiqda wax isbedelan baa la daremi lahaa, laakiin wax meeshuu joogo u eg, oo hadana aan dhaqaaqiisa la dhaadi karin waa adagtahay sida looga digtoonaadaa.

 © Marka saddexaad, waxa ilaaha weyni ku mannaystay laba indhood oo mid waliba 360 degree wareegto, sidaa darteedna, isaga oo madaxiisu bari u jeedo ayaa laga yaabaa in ishiisu bogox u jeedo (sawirka, C). Taasina waxay u sahashaa gaadmo tan ugu xun.

(c)    Waxa saddexdaas u afreeya, carrabkiisa oo sida sawirka (D) ka muuqata isaga oo dhan ka dheeraan kara, isla markaasna leh madax buuran oo wax dhegdhegaya oo xabagta oo kale ahí ku dhooban yihiin. Wuxuuna wax kala tiigsadaa oo ka ugaadhsadaa meel aad u fog nafleyda uu gaadayo. Waxayna nafleyda uu cunaa, dabinkiisa ku dhacdaa, iyada oo aaminsan in aan khatari jirin oo is leh, kuma soo gaadhi karo oo aad buu kaaga fogyahay, kumana arko oo madaxiisu meel kale ayuu u jeedaa, orodna hadalkiisba daa.  

Laakiin nimco waliba nuqsaan lehe, dhibka haystaa waxa weeye cimrigiis horumar ma gaadho ama najaxo, wuxuuna ku dhamystaa noloshiisa dhalan rog iyo dhuumasho, taas oo uu cadowgiisana kaga dhuumanayo, calafkiisana ugu gabanayo. Waxaana nasiib darro ah, intaas oo nicmo oo ilaahay siiyey dhamaantood wuxuu u adeegsadaa cimrigiisa iyo cilmigiisa iyo caqligiisuna ku dhamaadaa sidii uu duqsi ama cayayaan u dhigma uu u khatali lahaa.

 

 

  Gebagebo

 

Labada qolo oo aynu qoraalkan ku xusnay, tan hore, oo aynu nidhi in la dhoobdhoobo ayay jecel yihiin ama u bukaan, haddaynu dib u eegno, waxan filayaa in ay inkaga filantahay in aynu is tusno in qof aan kalsooni isku qabini uusan naftiisa mid kale ku dari karin. Run ahaantiina waa qof isagu kaalmo u baahan. Midda kale, qofka wax uusan lahayn qaadanayaa oo jecel in la siiyo ama loogu yeedho, cidi ma uga fadhidaa in uu hiil ama hoo cid ku kordhiyo carruurtiisana ha noqotee? Aniga aragtidayda waa maya. Soomaaliduna waxay tiraahdaa: ninka aad kaba ka tolanaysid kabihiisa ayaa la eegaa. Marka iyaga waxan odhan lahaa:

 

Caad goror nin roob moodey baan, oon ka ciil bixine

Wax kalaa tol kaa caawiyaa, lagugu caynshaaye

Cilmi iyo aqoon laguma helo, caydi been qora e

 

Intaa dhaafin mayo maanta…………………………..

Waxan intaa raacin lahaa, qofkii shahaado uu ku soo dhididey haysteyow iska tuur, iyadii oo aan geed looga soo laaban, oo jaadba jaad ah, baa qof walba la siiyaayey. Kii hadda jaamacad ku jireyowna iyadii oo bilaash ah baa webabka iyo qudhacyada hoostooda laga bixiyaaye, iska dhaaf hawsheeda oo soo qoro¡¡¡¡ aqoontiina dad aan qiimeheeda iyo dhibka loo maro ogayn baa diloodey e alla ha naxariisto. Dadka lagu raro oo aan geyinina waxay u dhigmaan, ka mathelil ximaari yaxmilu asfaaraa.

Ugu dambaystii, qolada aynu ku tilmaanay in ay geel dhugeeyaha (Jir jiroolaha) tabaha ka soo qaateena waxa odhan lahaa, dhalan-roggii waa kashifmay, geeldhugeeyahana mar haddii dhufayskiisa la ogaado oo meesha uu isu ekaysiiyey ishu mar ka garato, kabi uma yeela. Marka waxaa iga talo ah, mar haddii tabti roorku fashilantay, laba waxba waa ku xigaan oo halis baad u tahay (1) dib uma ugaadhsan karaysid oo gaajaad halis u tahay (2) cadowgii aad ka gabanaysey oo dhalan roggu kaa qarin jirey waa kuu jeedaa noloshaadii baana cidhiidhi ku jirta. Waxaana kuu dheer maanta laga bilaabo “Active Sensor, Radar” ayaa 24 ku duljoogidoona, haddii alle yiraahdo. Marka waxa la yiri: nin weyn tag lama yiraahdo ee wax uu ku tagaa la tusaaye, hadaba Adeer, NABADEEY.

 

Abdullahi Hassan (Abdullahi Spanish)

 

webmaster@ceegaag.com