Muuqaalka
Baliga Sacmadeeqa oo ah meeshii uu ku dhashay Ustaad: Sayid
Maxamed Cabdula Xasan
(Sacmadeeqa,
July 02,
2010 Ceegaag Online)
Sida aynu ognahay dadyawga adduunka
inagula nooli waxa ay leeyhiin meelo taariikhi ah oo ay ku
xasuustaan dad halgamayaal ahaan jiray ama dad agtooda ku
weyn. Haddaba Soomaali ahaan waxa aynu dadka kala mid nahay
oo aynu leenahay meelo taariikhi ah oo ay ku xasuusano dad
dhaxal wanaaagsan inooga tagey.
Haddaba
meelahaa taariikhiga ah ee aynu leenahay waxaa ka mid ah
sacmadeeqa. Sacmadeeqa waa meeshii uu ku dhashay
halgamaagii weynaa ee soomaaliyeed ahaana sayidkii
daraawiisheed Maxamed Cabdulle Xasan alla ha u naxariistee
sanadkii 1956kii. Wuxuu kaloo sanadkaasi caan ku yahay oo
loo yaqaan gu'gii Gobeysane.
Sacmadeeqa waa laas qorfood oo 25km dhanka waqooyi kaxiga
magaalada Buuhoodle waana meel xooluhu ay kacabaan oo leh
dhul daaqsin aad u wanaagsan waxaana ku yaala ceelal iyo
laasas farabadan oo xooluhu iyo dadkuba ay cabaan.
Haddaba balliga Sacmadeeqa waxaa ku
dhextaalla meel layidhaahdo ubbo kalax oo ah bogcaddii uu
ku dhashay sayid maxamed cabdille xasan.
Haddaba
si' aan loo ilaawin meeshan taariikhiga ah ee ku dhashay
sayidku ayaa waxaa taallo lagu xasuusto ka taagay
dawladdii kacaanka ee maxamed siyaad barre sanadkii
1973kii taalladaas oo illaa iyo hadda ka taagan meesheedii
kana badbaaday burburkii soomaaliya halka taallooyinkii la
midka ahaa sida taalladii seyidka ee ku taalay muqdisho la
burburiyay.
sacmadeeqa waxa ay caan ku tahay dalxiiska iyada oo ah
meel aad ubilicsan oo soo jiidada dalxiisayaasha waana
meesha ugu dalxiiska badan ee dadka deegaankan gobolka
cayn ay u aadaan dalxiiska xilliyada fasaxa ama xilliyada
ay roobabku da'aan.
Xasan
Caydiid Mahad
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |