shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

  Lataliyaha Madaxwaynaha Somaliland Fu'aad Aadan Cade oo gaadhay Meygaagle isla maanta dib ugu noqday kadib...

(Maygaagle, November 29,  2010 Ceegaag Online)

Lataliha Madaxwaynaha Somaliland Fu'aad Aadan Cade oo maanta tegay goobta uu ka socdo shirka dhexdhexaadinta ee Maygaagle isagoo indho indheeyay goobta shirka kadibna markii uu ka arki waayay Siyaasiyiin iyo nidaam daro ka jirta goobta shirka isla maantaba dib uga noqday Maygaagle.

Wararka aan ka helano goobta shirka ayaa ku soo waramaya in ergada nabadayntu Go'aan ku gaadheen in shirkaa lagu xalinayo shaqaaqadii Kalshaale Siyaasad ka madax banaanaado, si loo adkeeyo kalsoonida dadka shacabka ahi ku qabidoonaan Go'aamada kasoo baxa nabadayntaa.

Lataliyaha Madaxwaynaha ayaa u muu jiyay ixtiraam aad u wayn gudiga dhexdhexaadinta oo uga cawday inaysan doonayn in lakala fadilo Siyaasiyiinta Somaliland iyo Puntland oo ku gaaf wareegaya goobta shirka.

www.ceegaag.com



 

webmaster@ceegaag.com