shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Wajigii Labaad ee Wadahadaladii Dhex Dhexaadinta Labada Beelood oo soo Xidhay iyo Isimada labada Beelood oo Goobta ka Hadlay.

(Maygaagle, November 30,  2010 Ceegaag Online)

Deegaanka Maygaagle Waxa Maanta Galinkii Hore lagu soo Xidhay Wajigii Labaad ee Wadahadalada Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Burco oo Mudooyinka lagu dhex dhexaadinayey deegaanka Maygaagle oo dhex dhexaadintaasi labada Beelood ay Wadaan Waxgaradka ka kala yimid Puntland iyo Somaliland oo isugu jira salaadiin, Isimo iyo Culumo farabadan.

Wajigii labaad ee shirkaasi ayaa lagu soo Xidhay Isimada Labada Garab oo goobtaasi kaga dhawaaqaya inay Nabada la Qaatay ay ka shaqaynayaa Waxana dhinaca Buuoodle goobta uga hadlay Garaad Saleebaan Buraale Aadan oo goobta ka sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Waxyaabihii la soo Qabtay oo kamid ahaayeen Xabad Joojintii iyo Dhaartii la dhaariyey Xubnaha ka soo kala Jeeda labadaasi Beelood ee Walaalaha ah, Garaadka ayaana intaasi raaciyey in guud ahaanba Reer Buuhoodle Nabada diyaar u yihiin Wadahadalna ku soo dhawaanayaa.

Kalmadii uu soo jeediyay Garaad Saleebaan Buraale Dhagayso

                

Dhinaca Reer Burco Waxa Goobta uga Hadlay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ku Dheeraaday Walaaltinimada Dhextaala labada Beelood Waxana uu Suldaanku sheegay in aan Waligood labadan Beelood kala Maarmayn, ka Reer Burco ahaanaba Nabada diyaar u yihiin ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mire ( Waraysigaasi oo dhan ka dhagayso Ceegaag.com)

Kalmadii uu soo jeediyay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire Dhagayso

 

Ugu danbaytiina Waxa Goobta Madasha Gudiga Dhex Dhexaadinta ku dhawaaqday inuu shirku haatan galay Doodii ay labada Beelood ku doodi lahaayeen Baliga kalshaale iyo Waxyaabaha keenay Dagaalka Goobtaasi ka dhacay, Waxana Labada Beelood loo soo Gudbiyey 40 Xubood oo ka soo kala Jeeda Labada Beelood Qoladiiba 20 Xubnood Halkan Gudiguna soo Gudbiyeen 25 Xubood oo dhagaysanaya Dooda go,aamadana ku dhawaaqi Doona kadib Dooda labada Beelood, shirkani Maygaagle ayaana hada galay Wajigii saddexaad oo ah kii ugu adkaa oo Labada Beelood kaga hadlayaa Guud ahaanba lahaashiiyaha Deegaanka. 

Cali dhagjar

Maygaagle



 

webmaster@ceegaag.com