Halyay:
Dr. C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacade) oo u tafa xaytay
unuu kobciyo Dhismayaasha Dhakhtarka (GMC) sidii uu u
kobcinlahaa aqoonta dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa socdaal
wacyi galin ah ku yimid Waqooyiga Ameerika
(Boston,
October 07,
2010 Ceegaag Online)
Shaqada Dhakhtarka (GMC) halkan ka
daaloco waraysi uu bixiyay Dr, C/qaadir January 14, 2010. (Riix)
Agaasimaha Xarunta Caafimaadka
Gaalkacyo ee (GMC) Dr, C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacade)
ayaa warbixin aad u qiimo badan oo ku saabsan xaalada
Caafimaad ee uu dalku Soomaaliya ku sugan yahay u jeediyay
jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boston.
Dhekhtarka ayaa soo ban dhigay qaliimo
ay ku sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee danyarta oo dhaqaale
daradu kula
habsatay wadankeenii Hooyo Soomaaliya.
Dhekhtarka oo si qoto dheer uga waramay
xaalada caafimaad ee dalku marayo, ayaa isaga iyo
Hawlwadeenadii la socday ee isku soo duba riday kulankii
maanta waxay dadwaynaha reer Boston ka codsadeen in la siiyo
fursad ay wax uga qabtaan baahidaa baahsan ee ka jirta
Dalkii Hooyo Soomaaliya.
Iyada oo dadwaynuhu adorasayeen inuu
Dr, C/qaadir siin doono fursad labaad oo ay isku wareestaan
reer Boston. Iyada oo dhakhtarku kusii jeedo magaalooyin
badan oo ka mida waqooyiga Amerika siiba Gobolada OHIO iyo
MINNESOTA, iyo waliba Magaalda TORONTO ee dalka CANADA.
Agaasimaha (GMC) Dr, C/qaadir ayaa
sigaar ah bishii Afraad ee sanadkan April 07 ilaa April 27
2010 fursad qaali ah siiyay dadka danyarta ah, ee la
ildarnaa Burooyinka hawshan oo ay GMC kala qaybgaleen
dhaqaale ahaan Urur Islaami ah oo ay leeyihiin dhalinyaro
fadhigoodu yahay caasimada dalka Boqortooyada Sucuudi
Carabiya.
Dhakhtarka ayaa haatan u tafa xaytay
unuu kobciyo Dhismayaasha Dhakhtarka (GMC) sidii uu u
kobciyo aqoonta dhakhaatiirta Soomaaliyeed.
Daawo Sida iyo Habka dadka
Dr. Cabdulqaadir Wax ugu Qabto oo ay ugu horayso siinta qof
kasta taxadarka iyo wakhtiga uu xaqa ugu leeyahay
dhakhtarkiisa
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |