Dib ujaleec Taariikhdii
Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharma'arke
(Soomaaliya,
October 16,
2010 Ceegaag Online)
Heestii wadaniga ahayd ee
Umadyahay Qabiilkiyo qaranimadu waa labo aan isqaadi karinoo
waligood is qabanayn
Dhagayso
Cabdirashiid Cali Sharma'arke wuxuu ku dhashay
degmada Xaradheere ee gobolka
Mudug
sanadkii
1919.
Wuxuu dugsiga
Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii
1936dii, wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna
shaqaale ka shaqeeya howlaha Civil servant maamulkii
talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii
intaas ka dambeeyay magaalada
Muqdisho.
Wuxuu ka mid noqday ururkii
Somali Youth League(SYL) waxyar ka dib markii la
aasaasay sanadkii
1943dii, wuxuuna ku biirey maamulkii ingiriiska ee
Soomaaliya
British Administartion Civil
Service.
Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay
1953dii, isagoo weli ka shaqeynaya Civil service,
wuxuuna helay Course Schoolership ah dalka
Talyaaniga gaar ahaan Jaamacadda
University of Rome
“La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin jibiyay sanadku markuu
ahaa
1958dii, wuxuuna sanad ka dib ku soo laabtay dalka
Soomaaliya, ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo
xubinka tirsan Golihii lagu magacaabi jirey
Somali Legislative Assembly.
Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan bishii 1,
Luuliyo
1960kii, wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay
ee ay yeelato dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu
guulo uga soo hoyn lahaa dhinaca arrimaha dibedda, wuxuuna
dalka Ra’iisul wsaare ka ahaa illaa
1964tii.
Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday
xubin ka tirsan baarlamaanka
Soomaaliya. Sanadkii
1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay
madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu
dalka Madaxweyne ka noqdo, ka dib markii doorashooyinkii
dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay
ee Soomaaliya MD.
Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”, wuxuuna xafiiska
kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii
Juun
1967kii.
Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday
ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay uu
toogasho ku dilay 15kii bishii
Oktoobar
1969kii, isagoo booqanaya Laascaanood
Soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.
Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii
dalka talada xoog kula wareegeen iyadii weli lagu jiro
baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii
Oktoobar
1969kii dalka Madaxweyne ka noqday Allaha u naxariistee
Sarreeye gaas
Max’ed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Ciidanka Xoogga
dalka
Soomaaliyeed.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |