Cuqaal
Waxgarad Ka soo Jeeda Gobolka Sool oo ka Hadlay Gaadiid 12
Bilood lagu haystio Magaalada Burco si shaci daro ah, isla
markaana Fariin u diray Maamulka Madaxwayne Siilaanyo
(Laascaanood,
October 16,
2010 Ceegaag Online)
Waraysiga
Caaqil Cali Xirsi Jaamac
Dhagayso
Magaalada Laascaanood Waxa Maanta Shir balaadhan ku
yeeshay Qaarkamid ah Cuqaasha Waxgaradka, Ganacstada oo
kamid ah Beelaha Dega Magaalada Laascaanood ee Xarunta
Gobolkaasi Sool, Kulankaasi ayaa ku saabsanaa Gaadiid iyo
hanti badan oo laga leeyahay Gobolka Sool oo lagu haysto
Magaalada Burco oo gacanta ugu jiraan Qaarkamid ah Beelaha
gobolkaasi Degan mudo 12 Bilood.
Gaadiidkan Lagu Haysto Magaalada Burco ayaa gaadhaya
ugu yaraan afar gaadhi oo laga leeyahay Magaalada
Laascaanood Waxana Gaadiidkaasi loo Qabsaday ugu yaraan
afar kale oo Dib loogu Celiyey Magaalada Burco Beelihii
iska lahaa, balse aanay Keeni Gaadiidkii laga lahaa
dhinaca Gobolka Sool ilaa Wakhtigaasi, Waxana taasi
sababtay inay arimahaasi aad ugua Cadhoodaan Waxgaradka ka
soo Jeeda gobolka sool iyo Mulkiilayaasha Gaadiidkaasi oo
Maanta Shir ku yeeshay laascaanood.
Waxayna ugu danbaytii Baaq u Direen Maamulka Somaliland oo
ugu baaqeen inay Gaadiidkaasi ka raadiyaan Beelaha gacanta
ku haysta ee ka soo Jeeda gobolka Sool Waxana Kulankaasi
Waxgaradka gobolka Sool Laascaanood ku yeesheen kadib
Shabakada Wararka Ceegaag.com talefoonka kula Xiriirta
Caaqil Cali Xirsi Jaamac oo Sharaad Dheer ka Bixiyey
sabaha Gaadiidkaasi loogu haysto Magaalada Burco ee
Xarunta Gobolkaasi Togdheer.
Cali Osman Yuusuf.
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |