Wararka Naga soo gaadhay Magaalada Laandheer oo
katirsan Degmada Danood ee Gobolkaasi Wardheer
ayaa ku soo Waramaya in Masho Dhawaan Halkaasi
ka dhacday Gabi ahaanteeda Lagu Guulaystay in la
soo afjaro, kadib Markii Gacanta Lagu soo Dhigay
Ninkii ka Fuliyey Dil Dhawaan Halkaasi ka dhacay
Deegaanka Laandheer oo Gacanta loo galiyey
Ardaagii kale ee Dhibku soo Gaadhay, kadibna
Ninkaasi lagu Siidaayey Meel fagaaro ah oo kamid
ah Magaalada Laandheer kadib Markii Cafis loo
Fidiyey oo Xariga ka jareen Ardaagii uu Dhibku
soo gaadhay.
Waxaana Manshaqadaasi oo Afjaray Waxgarad labada
Dhinaca oo ka kala tagay Magaalada Buuhoodle iyo
Deegaano Badan oo katirsan Deegaanka Hawdka Sare
Waxna Xiisadaasi ku soo Dhamaatay Jawi Wanaag
san oo ay Gaadheen Waxgaradka Labada Dhinaca
kadib Wadahadalo Dheer oo ka dhacay Magaalada
Laandher.
Sidaasina Waxaa Caawa Shabakada Wararka
Ceegaag.com u Sheegay Garaad Saleebaan Buraale
Adan Waxana uu Garaadku Intaasi Raaciyey in
Maalinta sabtida lagu Wado in loo balamo Qaabkii
loo kala Qaadan lahaa Duunyada, Garaadka ayaana
intaasi Raaciyey inay soo dhawaynayaa Talaabadan
ay Gaadheen Waxgaradka Labada Dhinac isla
markaana Hanbaliyo u Dirayaan Waxgaradkaasi iyo
Beelaha Walaalaha ahba.
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle