Dhakhaatiir u dhashay Wadanka Kenya oo Baadhitaano Caafimaad
ku soo Gabo Gabeeyey Buuhoodle
(Buuhoodle,
October 02,
2010 Ceegaag Online)
Koox dhakhaatiir ah oo u dhashay Wadanka Kenya oo labadii
todobaad ee la soo dhaafay ku suganaa Magaalada Buuhoodle
ayaa soo gabo gabeeyey Baadhitaano Caafimaad oo ka
bilaabeen magaalada Buuhoodle iyagoona dhakhaatiirtaasi
kulamo la Qaatay Dad farabadan oo Shacab ah oo ka Cabanaya
Xanuuno kala Duwan oo kunoolaa Gudaha Magaalada Buuhoodle
iyo Degmooyinka, kana soo kacaya deegaano kala Duwan.
Dhakhaatiirtaasi ayaana ka koobnaa labo dhakhtar oo Mid
kamid ahi Haweenay Tahay ku Xeel dheer Baadhitaanka
Haweenka Xanuunada kala Duwan ee Dumarka soo wajaha, halka
dhakhtarka kale uu isago lagu Magacaabi jiray Dr Jamal oo
isagu ahaa Dr Daaweeya Cudurada Guud ee ku dhaca raga iyo
Dumarka.
Dhakhaatiitan ayaa Keenay Magaalada Buuhoodle Qalab Casri
ah oo lagu Baadho Noocyada Xanuunada kala Duwan Waxayna
intii gobolka ku sugaayeen ay Baadhitaano Caafimaad ku
sameyeen ugu yaraan 500 00 Ruuxi oo Qabana Xanuuno kala
duwan oo lagu sameeyey Baadhitaan Caafimaad iyo Shaybaar
Casri ah.
Dhakaatiitani ayaa ka soo degay Magaalada Gaalkacyo Waxana
Buuhoodle Keenay Qaarkamid ah Ganacsatada ka shaqeeya
Keenista Daawooyina somalia oo iyagu ka soo Jeeda
Deegaanka Buuhoodle Waxayna dhakhaatiirtaasi dib ugu
laabteen haatan Magaalada Gaalkacyo oo lagu Wado inay uga
dhoofaan dhinaca Wadanka Kenya, Imaanshiiyaha
dhakhaatiirtani ayaa siwayn looga soo dhaweeyey gabi
ahaanba deegaanka Buuhoodle.....
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |